Maamul u Samaynta Waax iyo Waadi ma Wadanka gudihiisaa ku Haboon mise in Dibada lala Wareego? By Hilowle Galeeyr.
| Saturday September 25, 2010 | PRINT THIS PAGE |
Waxaan ku bilaabayaa magaca ilaahay subxaanuhu watacaalaa kor ahaaye.
Waxaan doonayaa inaan halkan maanta qalinka ugu qaatay inaan su,aale badan oo aan naftayda waydiiyay iyo kuwo dadkoo dhami is waydiiyaan inaan jawaab u raadino waliba jawaabtan waxaa laga doonayaa inta ay khusayso.
Haddii wax la qoro oo qof fekerkiisa dhiibto waxaad arkaysaa dad badan oo si dabayaacaya oo qabiil ahaan uga jawaabayaa markiiba iyaga oo qiiraysana aan u fiirsanayn muxuu qofkani ka hadlay ma saxbaa mise waa qalad ma xaqbuu u leeyahay mise waa ku qadaf?
Aan u soo dego ujeedada iyo miilanka hadalkayga , waxaa mudoba laysla dhexmarayay maamul u samaynta deegaanka waax iyo waadi , maaha fekrad xun in qolo waliba iyo deegaan walbaa xalka isaga dhexdiisa ka raadiyo oo isa soo saxo ka dibna loo gudbo qaab qaran, maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaahda haantu guntay ka tolantaa , talada soomaaliyana maanta hadaan guriga laga soo bilaabin ka dib qoyska , tuulada ama xaafada, degmada iyo gobolka ilaa heer deegaan isku xidhan ay gaadho oo si wayn loo lafa guro taladu xasilimayso taas waxaa cadaynayaa sida aan markhaatiga ka nahay maanta, ee deegaamada somaliland iyo puntland ay xalka ku heleen oo kale sida galmudugstate xalka ku heleen.
Hadaba waax iyo waadi waa deegaanka ugu balaadhan ee dhibaatada baahsan ka taagantahay 20ka sano waana deegaankii ugu horeeyay ee yeesha nidaam iyo kala danbayn mudo laga joogo 17sano
Ka dib maamulkii islaamiga ahaa ee sheikh cali dheere iyo sheikh shariif sheikh muxyadiin iyo ganacsatada , odayaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanku abaabuuleen .
Waxaa waqtigaas la helay isku xidhnaan , nidaam iyo kala danbayn nabad iyo wanaag iyada oo la hirgeliyay shareecada islaamka laguna dabaqay marxaladii markaas taagnayd.
Waxaan xasuustaa aniga oo ka baxay magaalada muqdisho oo ilaa degmada xarardheere aanan arag wax dhibaato ah intaasna maamul isku mida ka talinayay waxay helay waqtigaas nabad buuxda oo dadka dhami dareemeen midhaheeda la gurtay, ilaa degmada ceelbuur ayay saamaynta nabadaasi gaartay iyada oo hiiraan iyo gobolada dhexena diyaar u yihiin inay qaataan nabadaas oo xal waara lagu soo dabaalo gebi ahaan deegaamadii colaadaha sokeeye ka dhaceen
Hadana waxaan ogayn inay jireen dad aan ku qanacsanayn oo ku qanacsanaa dhibaatada iyo burburka noloshooduna ku xidhnayd dhiiga qubanayay iyo qasaaraha umadoodaa .
Kuwaas oo ay u hirgeshay inay minjo xaabiyeen maamulkii dhisnaa kana doorbideen in qoys qoys iyo qolo qolo loo kala baxo oo dhiigu sidiisii magaalada u qulqulo,
Ragii sidaa falay ee nabada diiday ayaa hadana sheegta inay raadinayaan nabada wadanka iyo xalka soomaaliya aduunka iyo bulshada soomaaliyeedna ka dhaadhiciya arimahaas iyo kuwo la mida
Dadka qaarkiina u yaqaan madax lama taabtaan ah.
Ninka nolosha kuu diidan xitaa haduu walaalkaa abaaha dhalay yahay maaha inaad taageerto ee waa inaad naftaada iyo nafta walaalaha kaleba ka qabataa.
Hadaan u soo noqo deegaanka waax iyo waadi wuu u baahan yahay xal degdeg ah waxqabad iyo nabad waarta, cid kasta oo isu xilsaarta arintaasna waxaa xusaysaa taariikhda soo jireenka ah
Hadaba sidee ayaa lagu gaari karaa xalkaas , aan is waydiino inaga oo dhinaca wanaagsan ka eegayna.
Ma in qolo is uruursato oo ay keligood isu xilsaartaa ?
Ma in bulshada deegaanka ku nool waxgaradkeeda, aqoonyahankeeda, oday dhaqameedkeeda , culumadeeda, haweenkeeda, dhalinyaradeeda si wada jira ay u ambaqaadaan ayay ku haboontahay?
Ma in dibada shirar lagu qabto ayay ku haboon tahay ?
Mise in gudaha looga arinsado ayay ku haboon tahay?
Waxaan soo taagnaa maalintii somaliland lagu dhawaaqay , waxay ka dhacday beerta shaqaalaha ama baar daalo waxana meesha gabranayaa salaadiinta , waxgaradaka , aqoonyahanka, culumada, haweenka dhaalinyarada u dhashay deegaanka soomaliland , markay dib u jaleeceen dhibaatada aan lixaadka lahayn ee ka dhacaysa wadanka ayay talo ku gudoonsadeen inay tooda hoose iyo dhulkooda ku soo dabaalaan nabad iyo isfahan heshiis, kama dhicin shirkii lagu aasaasay somaliland ,
london iyo washington, riyaad iyo dhul kale ee dalka gudihiisa ayuu ka dhacay,
waxaan ka wada dheregsanahay in maamul u samaynta puntland ay ka dhacday dalka gudihiisa oo ay goob joog ka ahaayeen bulshada deegaankaas u dhalatay gebi ahaantoodba, aqoonyahan ., culumo , waxgarad, haween , dhalinyaro, layskuna raacay inay maamul goboleed samaystaan inta soomaaliya si uun ka noqonayso.
Hadaba deegaamada la wada sugayay ee dhibaatada ka taagnayd waa kuwa ku toosay 20 sano ka dib inay maamul goboleed samaystaan waana arin wanaagsan oo lagu diirsan karo.
Maamul goboleedku waa qaabka keliya ee lagu dawayn karo qof walbana ku qanci karo deegaankiisa oo isagu maamusho oo aan cidina ku soo fara gelin , dowlada dhexe, calanka baasaboorka , ciidaanka, ayaa ka dhaxaynayaa umada waxaana qolo walba wax soo saarkeeda iyo dhaqaalaheedu u noqonayaa gooni iyo mid ay deegaankooda iyo dadkooda wax ugu qabtaan , haday is dulmiyaan iyagaa is dulmiyay hadday is daryeelaana iyagaa is daryeelay waxaa meeshaa ku hadhaya ma reer hebel ayaa dhulkayga igu xukumayaa , waxaa dhamaanaysaa kala qaybsanaantii mar walba dadka lagu abuuri jiray waxaana imaanaysaa tartan nabada horumarka, dhismaha , aqoonta, iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee nolosha lagu tartamo , halkii awal hore xumaanta lagu tartami jiray in wanaaga lagu tartamo.
Hadaba golaha cusub ee waax iyo waadi sifooyinka aan soo sheegay mid ka mida maku sifoobeen Waa mida koowaad ee dalka gudihiisaa hal shir ma ku qabteen , ?
Ma ka war hayaan dadka ay magacooda metelayaan? Qaabkee ayay ku midayn karaan bulshada daadsan caalamka oo dhan ee ka soo jeedaa deegaamadaas? Ma yihiin dad dadkoodu doortay oo loo igmaday inay metelaan , mise waa dad iyagu isdoortay?
Madaxdooda iyo xubanhooda ,ma yihiin dad taariikhiyan ku caan ah waxqabad la yaqaan oo xiliyadii dhibaatada kala qaybqaatay dadkooda , dhinac walba?
Waxaan sidaa u leeyahay waxaa jira magacyo badan oo aan hayo sida , deex iyo dooy Banaadirland, new banaadir, iqb, ma ku midaysan yihiin maamul u samaynta waax iyo waadi mise waa beri iyo mucaarad hor leh iyo nama metelaan.
Haddii sheekadu tahay , magacyaa lala baxay iyo maamul goboleedyaa la samaystay Arinku waa laab la kacay lugase kuma taagni!!!
Maanta waxaay xaaladu maraysaa marxalad adag waxaana loo baahan yahay dad ka dedaalkooda iyo duunyadooda iyo naftooda iyo waqtigooda u hura inay samatabixiyaan bulshadooda
Balse looma baahna sheeko lagu soo daabaco shabakadaha iyo websityada, iyo idaacadaha.
Ma ihi mucaarad ka soo horjeeda , maamulka waax iyo waadi, mana ihi muxaafid ku taageersan arinkooda waxaanse ahay muwaadin ku abtirsada deegaankaas, waxaanan taageerayaa cidii waxqabad dhab ah la timaadaa ,
waxaan ku soo afjarayaa qoraalkayga , la maqal maamulka waax iyo waadi ee hala arko milgihiisa
iyo mab,di,iisa loo aasaasay, waana ka warsugaynaa , inshalaah.
Shuruud:- qof kasta oo maqaalkan ka jawaabayaa waa inuu marka hore ka jawaabaya su,aalaha aan waydiiyay oodhan.
Fiiro Gaara:-Waxii dhaliil ah ee qoraalkayga ku jira waan ka cudur daarayaa ma jirto shaqsiyan qof aan ugu jeedo waxaan u hadlay si caam ah ama guud ahaaneed, waxii khaladana sixidooda diyaar ayaan u ahayn waadna mahadsan tihiin ,
Waa qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
