Xubno Soomaali ah oo ka qeeyb galay Shir caalami ah oo looga hadlayey Lacagaha la xawilo(Daawo Sawirada).
| Monday November 01, 2010 | PRINT THIS PAGE |
Xubno Soomaali ah ayaa ka qeeyb galay shir caalami ah oo sanadkiiba mar la qabto kaasoo looga hadlayey Lacagaha la Xawilo ee hoos yimaada Bankiyada iyo shirkadaha Gaarka loo leeyahay.
Shirkan oo eey soo Qaban qaabisay Shirkada Caanka ah ee Westren union ayaa lagu qabtay Dalka Ugandha isagoo ka mid ah shirar noocaan ah oo sanadkiiba mar lagu qabto wadan ka mid ah Wadamada aduunka iyadoo eey kasoo qeeyb galaan dad badan oo kashaqeeya Arimaha Lacagaha iyo Bangiyada.
Shirkan oo ahaa kii sanadkan ayaa lagu Qabtay Hoteel ku yaala Duleedka Caasimada Dalka Uganda ee Kampala kaasoo lagu magacaabo Imperial Beach Hotel oo ku yaala Xaafada Entebe gaar ahaan Dacalka Harada Victoria oo ah meel si weeyn loogu raaxeeyso oo dalxiis iyo shirar intaba loo yimaado.
Shirkan oo loogu Magac daray Westren Union Anual Convention 2010 ayaa waxaa kasoo qeeyb galay qubaro Gaareeysa 200 oo ruux kuwaasi oo ka kala yimid wadamo dhowr ah oo lagu Casuumay shirka waxaana ka mid ahaa Wadamadii kasoo qeeyb galay Soomaaliya.
Laba Xubnood oo ka socotay Shirkada Xawilaada ee PACIFIC MONEY TRANSFER oo fadhigeedu yahayBariga Africa isla markaana metelay Dalka Soomaaliya ayaa shirkaasi lagu casuumay iyagoo xubnahaasi si weeyn u muujiyey Joogitaanka dalka Soomaaliya iyo sida eey uga qeeyb qaadanayaan Arimaha dhaqaalaha aduunka iyo weliba kan Gobolka Geeska Africa.
Labada Xubnood ee Soomaaliya u metelayey shirkaasi oo kala ahaa Cabdulqaadir Xaashi Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Sabriye ayaa iyagu si weeyn uga war bixiyey Xaalada Dhaqaale ee Dalka Soomaaliya iyo weliba tan shirkada eey ka socdeen ee Pacific Money transfer iyagoo sharaxaad dheerna ka bixiyey qaabka eey u shaqeeyaan.
Shirka oo bilowday 9:00 subaxnimo maalinimadii Sabtidii ee bishu aheeyd 30 ka october ayaa socda maalintaasi oo idil iyadoo lasoo geba gebeeyey 6dii maqribnimo waxaana si weeyn ka soo qeeyb galayaashu isula lafa gureen Horumarka laga sameeyey isu gudbinta lacagaha ee daafaha dunida, caqabadaha soo wajaha iyo weliba sida loo sii hormarin karo Arimaha ku saabsan kasbashada macaamiisha iyo sida looga faaiideeysan karo khibradaha kala duwan oo laga dhaxlo inta lagu jiro shaqadaan.
Shirka oo eey kasoo qeeyb galeen in ka badan 200 qof oo u badan Saraakiil xaga Bankiyada iyo dhaqaalaha ku taqasusay ayaa waxaa hadalo kasoo jeediyey Madax ka kala timid wadama Mareykanka, koofur africa, Keynaya iyo wadamo dhowr ah.
Shirkani oo loogu tala galay inuu socdo mudo hal maalin ah ayaa kusoo dhamaaday sidii loogu tala galay iyadoo kasoo qeeyb galayaasha eey muujiyeen ineey si weeyn u kalafaa iideeysteen isla markaana eey waxyaabo badan oo khibrado iyo mashaakilaad ah is weeydaarsadeen iyadoo halkaasina laga soo jeediyey in la badiyo shirarka noocaanoo kale ah oo faaiido weeyn u leh dadka ka shaqeeya Arimaha Dhaqaalaha.
Shirka waxaa kasoo qeeyb galay in ka badan 26 Bank oo wadama kala duwan ka socda iyo dhowr shirkadood oo si gaara loo leeyahay kuwaasi oo eey ka dhex muuqatay shirkada Pacific Money transfer Ltd oo ah shirkad Soomaaliyeed.
Daawo Sawirada:



Goob aad u Qurux badan oo shirka lagu Qabtay o ku taala Harada Qarkeeda.

C/qaadir xaashi oo Metelaya Dalka Soomaaliyabanaanka hoolka Shirka.



C/risaaq maxamed Sabriye oo ka mid ah xubnaha Soomaaliya Metelayey.





