GAALAYSIINTA QAXOOTIGA SOOMAALIDA EE KENYA (WAR-BIXIN).

  Thursday November 04, 2010 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Qaxootiga Caruurta Soomaaliyeed ee Xerada Qaxootiga Ifo Ha,yadaha reer galbeed ee kahawl gala xeryaha qaxootiga Kenya oo kusoo gabada magaca gargaar bini adamnimo ayaa halkaas kawada gaalaysiinta Somalida Xeryahaasi kujira ayagoo ka faa iidaysanaya duruufta iyo nolosha adag ee dadkaasi ku nool yihiin iyo Dowlad la,aanta kajirta Somalia.

Somali children in the Ifo refugee camp in Kenya


Ahmed Ali Haile-
The Devil

Ahmed Ali Haile

Hawshaas waxaa wada Hayada Maraykanka ee Xisaan( the Horse) oo wada shaqayn laleh Hayada maga ceeda lugu sheegay ”Muuminiinta masiixiyiinta Soomaalida” oo uu madax kayahay Ax,ed Cali xayle,oo ah nin asalkiisu Somali ahaa oo diinta kabaxay oo haysta Dhalashada Dalka Maraykanka,waana ninka u qaabilsan gaalaysiinta Somalida asagoo ka faa,iidaysanaya faqriga iyo qaxootinimada dadkaa ku nool Xeryaha Qaxootiga Kenya,sida ay sheegeen goob joogayaal iyo dad marqaati ah oo ay lakulantay wakaalada wararka ee Aljazeera.net .

Aljazeeranet kuma guulaysan isku dayo badan oo ay ku doonaysay in ay kula xiriirto Baadarigaas oo xitaa diiday in uu telefan kula hadlo war fidiyayaasha,sidoo kale masuuliyiinta Hayada maraykanka ee ( the Horse) ee jooga Nairobi ayaa diiday in wakaalada wararka ee Aljazeeranet ay soo booqato xeryahaas ay dadka ku gaalaysiinayaan iyo casharada ay siinayaan dadkaas lagaalaysiinayo ayadoo lasheegay in maalmaha Sabtida iyo Axada dadkaas lasiiyo casharo lugu sheegay kitaabka ”Injiil”.

Hayeeshee Aljazeeranet ayaa lakulantay dad badan oo kamida Somalida Xeryahaas qaxootiga,waxayna dhegaysatay sheekooyin badan oo kusaabsan gaalaysiinta ay wadaan Hayadahaasi.

Copies of the Bible distributed with Covers like the Holy Quran to Confuse muslim

Sheekooyinkii Dadkii lawaraystay

Maymuuna waxay sheegtay qisadii dhexmartay ayada iyo Hayadahaas dadka gaalaysiiya waxayna tiri,waxaan ahay qof kamida tobannaan Somali qaxooti Soomaaliyeed oo lugushaqaalaysiiyey ( engagement ) fahmida iyo fahamsiinta diintaan cusub kadib markay Kenya soo gaartay markii Dowladii dhexe ee Somalia burburtay 1991.

Maymuuna waxay aljazeeranet usheegtay ( inaan gaaloobo waxaa igu qasbay badbaadinta noloshayda iyo nolosha wiilkayga,waxaan lakulmay madaxa Hayadaan wax gaalaysiisa Axmed Cali Xayle wuxuuna isiiyey hanti dhan $ 500 si aan diinta kirishtaanka uqaato waana aqbalay in aan lacagtaas qaato darteed.)

Maymuuna waxay intaas ku dartay ( intaas kadib waxaan bilaabay in aan qoysas badan oo Soomaali ah ku soo xiro Hayadahaas kadib markii duruuftaydii nololeed wanaagsanaatay,waxaana bilaabay in aan qoysaskaas cusub baro/u aqriyo kitaabkii(buugii) lasheegay in uu yahay Injiil kaas oo ku turjumnaa luqada Soomaaliga,waxaana ugu aqrin jiray kaniisad kamida kaniisadaha kuyaala Nairobi,kahor inta aan Hayadii naga goosan dhaqaalihii ay nasiin jireen kadib markay ogaadeen in aan weli aad ugu xiranahay diinta Islaamka”.

Maymuuna Waxay sheegtay in qaxootiga Soomaalidaa ee xeryaha Kenya ay ( target) uyihiin Hayadaha wax gaalaysiiya qaasatan dadka Nairobi jooga,waxay kaloo sheegtay in dadkaas lagaalaysiiyo lasiiyo duruus diineed iyo weliba safaro gaagaaban oo lugu barayo sida dadka loola doodo,casharo lugu baranayo kumbiyuutarada,baabuurta,waxay kaloo Maymuun sheegtay in Soomaalida Hayadahaas ku xiran ay kabadanyihiin 900 oo qof.

Lakin qisada Anisa Carays nuunow oo 63 jir ah oo dagaaladii Somalia kuwaysay 3 walaaleheed ah wax badan kama duwana qisada Maymuun,waxayna Aljazeeranet usheegtay ayadoo aad u caraysan ANIGU SOMALI MAAHI waayo majiro qof naga welwelaya ama nolosheena kawarqaba marka laga hadlayo Somalida xoolaha haysata oo ganacsatadaa oo deriskeenaa oo Kenya nala jooga,iyo qaraabadayda ayaguna Kenya ila jooga.

Waxaase layaab eheed kadib markii Anisa ay boorsadeeda kala soo baxday Kitaabyar oo quraana kadibna waxay aqrisay daqiiqado yar QULHUWALLAHU AXAD,BIRABBI NAAS IYO BIRRABILFALAQ,hadana degdeg ayey kitaabkii u xaraysay kitaabtii kadib markay aragtay qof somali ah oo diinta hor uga baxay si uusan qofkaasi u arkin waxayna kabaqaysay in hadii lugu arko kitaabka quraanka laga goosto mucaawinada yar ee lasiiyo.

Waxa ay kusheegeen BUUGA BARAKAYSAN.

Hayada sheegatay Muuminiinta masiixiyiinta Soomaaliyeed ayagoo kaashanaya Hayada maraykanka ee The horse iyo kaniisadahawaxay si sir ah ama si hoose qaxootiga xeryaha Kenya kujira uguqaybiyaa bugaag lugu sheegay kitaabka Injiil oo lugu turjumay luqada Soomaaliga ayadoo buugaagtaas garbadkooda loo ekeeysiiyey garbadka kitaabka Qur,aanka Kariimkaa.

Isla arintaas marka laga hadlayo Sheekh Cumar

Max,ed Jaamac oo kamida culumada Soomaalida Nairobi joogta ayaa aljazeeranet usheegay,in Hayadaha bini adamnimada ee reer Galbeedka ay adeegsadaan xeelado badan oo kala duwan si ay dadka soomaaliyeed u gaalaysiiyaan,xeeladahaas waxaa kamida in lacag lugu maansheeyo,wax barasho,daryeelka caafimaad ee caruurtooda,uqaadida wadanka Maraykanka,Kanada,Autralia iyo yurubta galbeed.

Waxaa lasheegaa in Hayada Maraykankaa ee The Horse ay tahay Hayad aan faa,iido doon ahayn oo kadiiwaan gashan CALIFORNIA waxayna laan ama farac kuleedahay Kuria,lakin xafiiskeeda maxaligaa(local) ee Kenya waxaa lafuray 1994,dhaq dhaqaaqeeda xoogiisu wuxuu kasocdaa Kenya iyo Somalia,waxayna xoogasaartaa dadka aad faqriga u ah, curyaamiinta iyo dadka taagta daran ayadoo xitaa adeegsata isir sooc.

Ilo wareedyo Soomaaliyeed ee Kenya waxay noo xaqiijiyeen in tobankii sano ee ugu danbeeyey ay tobanaan muslimiin soomaaliyeed u wareegeen dhanka diinta kirishtaanka taasuna waa natiijadii kadhalatay faqriga iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed oo gabay inay kahadlaan ama u doodaan maslaxada dadkooda qaxootigaa.

Source:http://aljazeera.net/NR/exeres/5FBAF5EC-8960-4153-B96F-745DFB615580.htm?GoogleStatID=9