BADBAADO waa Gabay Baaq iyo Boorin ah oo ka hadlayaa abaaraha & colaadaha

  Thursday January 06, 2011 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
.

Gabay Badbaado
Waxaan gabaygan u curiyay ka dib markaan arkay abaaraha ba,an iyo dhibaatooyinka baaxada leh ee ka jira gobolada soomaaliyeed ee dadkii markii horeba colaadu haysay hadana abaaro ugu sii darmeen waxaa ilaahay inagu fiirinayaa sidaan isugu naxariisano waayo waxaa xadiis nebigeenu ku yidhi isugu naxariista dhulka samada halaydiinka naxariistee waxaan leeyahay kuwa colaada wadayna umada ka joojiya kan wax haystoowna umada u naxariiso oo waxaad haysato wax ka sii bulshada soomaaliyeed ee dalka iyo dibada joogtaana waa inay umada deegaamadooda iyo ehelkoodaa la qaybsadaan dhibaatada baaxada leh ee maanta jirta aniga oo ku hadlayaa magaca hal-abuurka iyo abwaanada soomaaliyeed waxaan bulshada soomaaliyeed ugu baaqayaa inay isu naxariistaan , xiqdiga iyo xasadka, iyo dulmiga iyo cadaawadana iska daayaan waana kan gabaybgii badbaado.

Indhawaydba bilaynta ma gelin iyo bilowgeede
ba,da xaraf beryahan jaalkayow baabkeed furine
Bismilaahi dhaha waa bushriyo baabsan soo baxaye
Suugaanta waa boqolkuniyo bur iyo dheeraade
Ninba bayd ayuu helay sidii beer baxdoo kale e
Bal aan maanta baaqiyo u diriyo boorris qoladayda


Bilowgii colaadbaa jirtiyo baa.ba xoog badane
Maanta abaar baaxadlaa haysa beledkiiye
Jilaal baraahsaday diraac boodhka kicinaysa
Roob baaqday oon ceel biyood lagu arooraynin
Ninkii baarcad geel iyo lahaa boqol lo,deeniya
Ama beera iyo xoolo badan boqorku deeqsiiyay
Biyo li,i abaar baa heshiyo baahi xoog badane
Geeslaydii way baa, badoo, geelii kala baydhye
Buqul caano lagu maalayiyo badhax ma haystaane
Bani aadankii caawin jiray baaqsay gebigoode
Barbaariyo ciroolaba baahibaa maanta loo baxaye
Fariin baaxadweynliyo maqlaay baaqa hadalkayga
Bulshyahay aduun berisamad kuma dhamaaysaane
Baradeena hooyiyo dhulkii beledul soomaali
Bixisiyo colaadiyo abaar cudura buux dhaafa
Ayaa baadiyaha ku dhacay beled ninkii joogay
nimankaa banduuqyada sitee belada goobaaya
nimanka booskii soomaaliyeed been ku maalaaya
iyo baarlamaankaan mar qura baajin xumaheena
ee bixiso mooyee marna samo ku baaqaynin
Nimanka bahadaha gooshayiyo baacmushtarigeena
Iyo kuwa belaadada qurbaha farax ku boodaaya
Boqolaal kunoo ruux hadaad beesad ugu deeqdo
Oo laysu soo baxo banaan ruuxba bixintiisa
Ways biirsataa oo waxay noqon bilyuunaade
Waan baajin karaynaa dadoow belada guuxaysa
Dadkuna baahi buu dhimanayaa beriga maanta ahe
Beledkeenka buur iyo banaan baas ayow baxaye
Balcad iyo banaankiyo warsheekh beledka waaxweyna
Bandarkii shabeeliyo taniyo beledka hiiraana
Bay iyo bakooliyo jubiyo gediyo baardheere
Banka cadale teeriyo hobyo beledka ceelbuura
Baylah weeye maanta gebigood baadka laga waaye
Isu soo bax baa nagu haboon buun la yeersado e
Gurmad iyo badbaadaa haboon maanta loo baxo e
Burburka iyo dagaaladii hore badi na naafeeyay
Baaska iyo boobaha dhaciyo BMkiyo tuuga
Baasuukayaashaa qarxiyo bomamka loo aasay
Buulkoodii oo wada gubtiyo baradii hoygooda
Maantana biyiyo baad la,aan baa u dheeriya
Iyagoo basbeelaa abaar ba,ani haysaaye
Boqolkaad dirtaa waxuu baxshaa baahi xoog badane
Bulshyahay baraaraha aduun waa bil iyo dhawre
Waxaad bixisa uun baad heshaa maalintii ba, ane
Boqorkaa idiin wada bedeli boos idiin geline
Bilaahi waa dhabtii iyo halkii la isu baahnaaye
Ninba baaxadiis waa inuu bixiyo hayntiise
Badbaada alla laga helaa boqorkii waynaaye
Beriba waad heshaa beesadaad maanta bixisaaye
Is badbaadiyuu inagu yidhi boqor ilaaheeye
Isu beernaxaa layna yidhi maalintii ba,ane
Isku booqda baa layna yidhi kay bestiisa ah
Is buddhigaya ayaa layna yidhi kii markaa baxa,e
Isku baaqa samahaa la yidhi kii baraad u lehe
Intaasaan ku soo baabayaa baaqii aan diraye
Idinkuna bulshooy maqal xaq waa lagama baydhaane

Waa Qalinkii iyo Hal-abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com