Shirkada Xawilaada Jubaxpress oo Mucaawino Qiime badan Gaarsiisay boqolaal qooys oo soo barakacay.

  Saturday July 30, 2011 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Shirkada Xawilaada ee Jubaxpress ayaa Maalinimadii shalay Gaarsiisay Gargaar Boqolaal qooys oo ku hanti beelay abaaraha ku dhuftay Bartamaha iyo koofurta Soomaaliya kuwaasi oo ku jira Xeryaha Qaxootiga ee Magaalada Muqdisho. Gargaarkan eey bixisay Shirkada Xawilaada ee Jubaxpress ayaa la siiyey dad kor udhaafaya 300 oo qooys kuwaasi oo loo qeeybiyey Raashin isugu jiray Bariis,bur, saliid, timir iyo weliba lacag cadaan ah oo eey ka dhiganayaan gacan qabsi dadkaasi dhibaateeysan. Maamulaha shirkada ee Magaalada Muqdisho iyo koofurta Soomaaliya Mudane Cqaadir cali siyaad(Joolaal) oo warfideeyana la hadlayey kadib markii eey raashinkaasi u qeeybiyeen dadka abaaruhu ku dhufteen ayaa sheegay sida eey uga qeeyb qaadanayaan dhibaatada baaxada leh ee ka jirta Wadanka soomaaliya. “Waxaan u qeeybinay dadka abaaruhu soo barakicyeen hadaan nahay shirkada Jubaxpress 300 oo qooys oo qooys waliba aan siinay 25kg oo Bariis ah, 25kg oo bur ah, caag sadexle saliid ah, timid iyo weliba $10 oo qof waliba aan gacanta u gelinay si uu goosaartii uga dhigto dhowr maalin, waxaanan ku dadaaleeyna lacagaha aan dadka ka helno ee macaashka ah inaan qeeyb ka mid ah ku celino isla bulshadeena” ayuu yiri Mr Joolaal. Joolaal ayaa ugu baaqay Xawilaadaha kale iyo Ganacsatada Soomaalida guud ahaanta ineey taakuleeyn lasoo gaaraan dadkaasi la il daran abaaraha oo eeysan la sugin cid kale oo soo taakuleeysa Soomaaliduna eey tahay ineey isku tashadaan iyagu. Dadkii barkacayaasha ahaa oo u waramayey Warbaahinta Gudaha iyo diba ayaa aad usoo dhoweeyey isla markaana uga mahad celiyey Shirkada Xawaalada Jubaxpress Gargaarkaasi wax ku oolka ah oo eey u qeeybiyeen qooysaskaasi baahida daran u qaba. Mid ka mid ah hooyooyinkii Raashinkaasi Qaatay ayaa u sheegtay Tefeshinada iyo idaacadaha Magaalada Muqdisho in Gargaarkani uu ahaa kii ugu tayada badnaa ee loo qeeybiyo dadka dhibaateeysan ee u soo hayaamay Magaalada Muqdisho. Shirkada Xawilaada Jubaxpress ayaa sii wadi doonta u gargaarida iyo ka qeeyb qaadashada horumarka dadka Abaaruhu dhibaateeyeen sida uu sheegay Maamulaha Bartamaha iyo koofurta Soomaaliya Mr Cabdulqaadir cali siyaad joolaal.