Koobki Qaramada Afrika oo si rasmi ah xalay ubilowday

  Sunday January 22, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Waxaa Xalay ka bilowday garoonka Stadium De Bata ee Dalka Equatorial Guinea Koobkii 28 ee Qaramada Afrika,waxaana xalay Kulamadii Furitaanka ee dhacay ay u dhaxeeyeen wadamada Ku jira Guruub A kalana ah Equatorial Guninea.Libya,Senegal iyo Zambia.

Meertadoodii Koowaad waxaa Durbadiiba Afka Ciida loo daray wadamada Libya iyo Senegal.

Ciyaartii hore Xulka Martigalinaya Koobka ee equatorial Guinea oo Taageerayaashiisu si weyn u soo camireen garoonka de Bata ayaa waxa uu 1-0 ku samirsiiyay Libya,Halka Kulankii xigay oo si weyn loo wada sugayay dad badanina is weydiinayeen Qaab Ciyaareedka ay la soo shirtagi doonaan weeraryahanka New Castle iyo Xulka Senegal Ciyaaryahan BA iyo xulka Zambia ayaa waxa ay ku dhamaatay zambia oo 2-1 ku sagootisay Senegal oo lagu tirinayay Xulka ugua dag Guruub A.

Kala horeynta Guruub A.

Zambia 1 C. 3 DH

equatorial Guinea 1 C 3 DH

Senegal 1 C 0

Libya 1 C 0

Caawa waxaa Ciyaaraya Guruub B kulanka hore Waaa maroodiyaasha Afrika Ivore Coast vs Sudan Ciyaarta labaad waxaa Fooda is dari doona Burkina Faso vs Angola.

Waxaa Diyaariyay

Axmed Maxamed Cabdulle' Uurdoox'
Uurdoox2011@Hotmail.com