Falanqeynta Kulanka adag Chelsea vs Manchester United
| Sunday February 05, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Tababaraha kooxda Chelsea Andre Villas-Boas ayaan awoodin inuu u soo yeerto kulanka Manchester United ciyaaryahanka daafaca bidix Ashley Cole, ka dib markii uu ciyaaryaahanka reer England casaan qaatay kulankii Swansea, isagoo ganaax ku seegi doona kulankaan.
John Terry ayaa isna dhaawac jilibka ah dartiis ku seegi doona kulanka Stamford Bridge maanta ka dhacaya, taasoo keeni doonta in waxyar ay iska bedelaan line-upka kooxda Blues. Hal xal oo macquul ah Branislav Ivanovic oo ka ciyaara garab midig, Gary Cahill oo kulankiisii ugu horeeyay uu u ciyaaro Chelsea daafac dhexe, halka Jose Bosingwa loo dhaqaajiyo dhanka daafac bidix. Lakiin marka la fiiriyo qiimaha iyo xamaasada ciyaarta leedahay Gary Cahill uma muuqato inuu ku soo bilaaban karo kulankaan, waxaana laga yaabaa in Ryan Bertrand uu noqdo qofka buuxinaya booska Ashley Cole.
Iyadoo Bosingwa uu ka ciyaari doono daafaca midig, halka David Luiz iyo Ivanovic ay ka ciyaari doonaan daafaca dhexe ee kooxda Blues.
Frank Lampard ayaa isaga laftiisa uu shaki ku jiraa, lakiin waxaana laga yaabaa inuu ciyaaro hadii uu taam ku soo noqdo ka hor ciyaarta. Didier Dorgba iyo Salomon Kalou ayaa iyaga ku maqan weli koobka qaramada Afrika, halka John Obi Mikel iyo Ramires iyo Terry ay dhaawacyo ku seegi doonaan.
Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Feguson ayaa heysta Wayne Rooney iyo Nani oo ku dhow taam ahaanshahooda ka hor kulanka Stamford Bridge. Hadii uu taam yahay, Wayne Rooney waxa uu bedeli doonaa Dimitar Berbatov waxaana uu afka hore kala ciyaari doonaa Javier Hernandez iyadoo Danny Welbeck uu kursiga keydka fariisan doono. Nani ayaa isna hadii uu taam noqdo waxa uu line-upka ka bedeli doonaa Park Ji-Sung.
Tababaraha reer Scotland ayaa sheegay dhawaan in Tom Cleverly iyo Ashley Young inay ku soo laaban karaan kooxda kulanka Chelsea. Lakiin hadii ay taam yihiin, waxa ay u badan tahay inay kursiga keydka ku soo bilaaban doonaan marka la fiiriyo mudadii ay garoomada ka maqnaayeen.
Goolhaye Anders Lindegaard ayaa dhaawac canqowga ah uga maqnaan doona United ugu yaraan muddo bil ah, David De Gea ayayna u badan tahay inuu buuxin doono booskiisa inkastoo Ben Amos uu saftay kulankii Stoke City islamarkaana uu shabaqiisa ilaashaday.
Anderson ayaa dhaawac ku maqnaan doona weli, halka Phil Jones uu isaga laftiisa dhaawac yahay. Darren Fletcher calool xanuun ayuu weli la maqan yahay halka Nemanja Vidic hore loo xaqiijiyay inuusan ciyaari doonin inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:

MA OGTAHAY?
Chelsea ayaan laga badinin 9kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay Manchester United ku qaabilaan garoonka Stamford Bridge.
Lakiin marka taariikhda dib loo raaco Red Devils ayaa gacanta sarre ku leh Stamford Bridge waxaana ay garoonkooda ku garaaceen 29 jeeer, waxaana laga badiyay 22 jeer halka 18 kulan ay dhibcaha kala qeybsadeen.
Kooxda Andre Villas-Boas ayaa ugu hooseysa kala sareynta liiska ciyaar wanaaga, iyagoo qaatay kaararkii ugu badnaa ee aysan qaadan koox kale oo Premier League ka ciyaarta. Chelsea ilaa iyo haatan waxaa la siiyay 50- kaarka hurdiga ah iyo afar casaan ah.

Fernando Torres ayaa waxaa soo martay 12 kulan oo Premier League ah oo uusan gool dhalin, waana markiisii ugu xumeyd ee abaar dhanka goolasha ah tan iyo intii uu England tagay.
Manchester United ayaa dhanka daafaca aad ugu fiican marka ay martida yihiin, kaliya 7 gool ayaa laga dhaliyay xilli ciyaareedkan iyagoo marti ah Premier League.
11 kulan oo ay marti aheyd kooxda Manchester United horyaalka xilli ciyaareedkan waxa ay ku heshay 26 dhibcood, lakiin 11 kulan oo Chelsea ay Stamford Bridge ku ciyaartay waxa ay ku heshay kaliya 22 dhibcood.
Wadar ahaa tartaamada oo dhan Red Devils waxa ay Chelsea ka dhalisay 263 gool, halka Chelsea ay iyadana tartamada oo dhan Man United ka dhalisay 191 gool.