Shirka Wada tashiga Oo maanta lagu wado in lasoo Gaba gabeeyo
| Friday February 17, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Waxaa maanta lgu wadaa in magaalada garoowe lagu soo gabagabeeyo Shirka wada tashiga labadaan maalin ka socday xarunta maamul goboleedka Puntaland
Kadib markii labo maalmood Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal uu ka socday shir wadatashi ah oo ay soo qaba qaabisay Qaramada Midoobay islamarkaana ay ka qeyb galayeen dowladda KMG Soomaaliya, Maamulada Puntland, Galmudug, Wakiilo ka socda Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Xubno matalaya beesha Caalamka aya maanta lagu wada in shirkaasi lagu soo gaba gabeeyo Magaalada Garoowe.
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa sheegay in waxa looga hadlay shirka ay ahaayeen arrimaha Dastuur u sameynta dalka iyo guddiga farsamaha laga dhagaysto warbixino iyo in dowladda soo socota ee bisha Augusta qaabka lagu dhiso doono oo ah inay doortaan shacabka iyo inay doortaan barlamanka.
Inkastoo go’aano aan soo bixin ayaa hadana waxa la filayaa in Warmurtiyeedka si rasmi ah loogu shaaciyo go’aanada kasoo baxay shirka labadii maalin ka socday Magaalada Garoowe.
Dhinaca kale shalay magaalada Garoowe gaaray wefdigii Ahlusunnah Waljamaacah oo uu hogaaminayay Mudane Prof. Xirsi Hilowle, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow, Khaliif C/qaadir Macalin Nuur iyo Maxamed Yuusuf Ow-libaax oo ka mid ahaa saxiixayaashii Garowe Principles waxayna kulamo kala duwan la qaateen madaxdii ku sugneyd goobta shirka oo uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay in Magaalada Garoowe ay ka socoto qaban qaabo lagu soo dhawaynayo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la filayo in maanta uu gaaro Magaalada Garoowe si uu usoo gaba gabeeyay shirkaasi.
Sikasta ay ahaataba waxa maanta la filayaa in lasoo gabagabeeyo shirka wada tashiga iyadoona lagu wado in la xaliyo khilaaafaad soo kala dhax galay qaar kamid ah ergooyinka