Mas’uul katirsan Ahlusunah oo eedeyn ujeediyay Beesha Caalamka
| Sunday February 19, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Mas’uul sare oo katirsan maamulada ahlusuna waljamaac ee Konfurta Soomaaliya, ayaa fariin culus udiray hay’adaha iyo dowladaha shirarka uqabta madaxda Soomaalida kuwaasi oo ku howlan kala qeybinta umada Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Ahlusunah ee Gobolada Konfureed Mudane Ceydaruus Sayid Cali ayaa sheegay in shirarka laga dhax wado Soomaalida ay saldhig uyihiin dano shisheeye oo laga doonayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo la aamisan yahay in caqiidadoodu tahay Ahlusunah Waljamaac.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale warsaxaafeedkiisa baaq ugu diray dagaalyahanada Alshabaab isagoo ka dalbaday ineysan dalka Qatar galin oo si nabad ah isugu soo dhiibaan.
Dhawaqa iminka kasoo yeeray garabkaan katirsan maamulada Ahlsunah ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili shirar is daba jog ah loo qabanayo madaxda Soomaalida oo ay qeyb kayihiin mas’uuliyiin iyaga matalaya Ahlusunah Waljamaac.
