Qarax dad rayid ah lagula eegtay degmada Bardaale ee gobolka Bay

  Tuesday February 21, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee gobolka bay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi qarax lagula beegsadat dad rayid ah
Wararka aya waxaa intaa ku darayaan in qasaaraha la ogtahay oo yahay 5 ruux ayaa ku geeriyootay oo labo ka mid ah ay ahaayeen Shabaab in ka badana wey ku dhaawacmeen kadib markii qarax lala eegtay gaari nooca UD-ga oo ay wateen dad rayid ah kaasi oo marayey halka loo yaqaano Afarirdood ee bartamaha magaalada Bardaale.

Dadka dhintay ayaa 3 ka mid ah waxa ay ahaayeen Milkiilaha gaariga, darawalka iyo qof haweeney ah, waxaana qaraxaasi kadib ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay bilaabeen howlgal ay ku baadi goobayaan cida ka dambaysa qaraxa, waxaana la sheegayaa in Al Shabaab ay dad u qabteen qaraxaasi.

Sikasta aya haataba qarxaani ayaa la sheegayaa in ay ka dambeeyeen rag katirsan shabaab