AMISOM oo loo fasaxay in ay adeegsadaan awood dheeraad ah
| Thursday February 23, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Qaramada Midoobay ayaa isku Raacday in la kordhiyo Ciidamada Midoowga Afrika Ee AMISOM
Xubnaha golaha ammaanka ayaa ku sheegay sababaha loo kordhiyay ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya inay tahay sidii ay u curyaamin lahaayeen xoogagga Al-shabaab oo dhawaan Al-qaacida ku biiray iyo sidii ay qayb uga qaybqaadan lahaayeen xasilinta Soomaaliya in ka badan 20-sano oo ay colaado ka jireen.
Sidoo kale, goluhu wuxuu isku raacay in ciidamada AMISOM lagu taageero qalab ciidan oo ay ku jiraan 12-diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, kuwaasoo saddex ka mid ah ay yihiin kuwa weerarrada loo adeegsado.
Ciidamada AMISOM waxaa awood loo siiyay inay qabtaan wax kasta oo ay awoodi karaan si ay u yareeyaan khatarta Al-shabaab, sidoo kale waxaa la kordhiyay dhulka ay ka howlgeli karaan oo horay u ahaa Muqdisho, balse hadda waxaa loo fasaxay inay ka howlgeli karaan gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Qaraarkan kasoo baxay golaha ammaanka ayaa waxaa sidoo kale uu mamnuucayaa dhoofinta dhuxusha oo la sheegay inay yihiin waxyaabaha ay dhaqaalaha badan ka helaan, iyadoo sidoo kale la go'aamiyay in ciidamada ku sugan Soomaaliya oo dhan loo sameeyo hal talis oo leh qorshe mideysan.
Ciidamada dheeraad ah ee AMISOM waxay ka imaanayaan Kenya oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamadooda Koonfurta Soomaaliya, balse ciidamada Itoobiya ee ku sugan iyaguna Soomaaliya ayaan ka mid noqonayn AMISOM, inkastoo saraakiisha Itoobiya ay sheegeen inay qayb ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Sikastaay ahaataba Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay in lagu kordhiyo 6,000 oo askari, taasoo tiradooda ka dhigaysa 18,000 oo askarioo AMISOM.