Shirka London oo bilaawday & qudbadaha oo haatan socda
| Thursday February 23, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Waxaa haatan soconaya Qudbaha lagu furayo iyadoo haatan uu hadalka jeediyo Madaxweynaha Dowladda Somalia Sh Shariif waxa ka horeyay Ban Kin Mun xogyaha guud ee QM. Waxaa qudbada Banki Mun uu ku adkeyay carabta sida ay uga goan tahay QM in Somalia aay garab istaagto, la fuliyo heshiiskii Garoowe ee Road map, waxa uu sidoo kale ku booriyay in Dumarka kaalintooda la xushmeeyo loona ogolaado kaalinta aay kaga jiraan bulshada. Waxa uu Banki Mun carabka ku dhiftay sida loo kordhinayo joogitaan hay'adaha UN-ka sida Miina-bixinta, gargaarka & horumarinta Ummada Soomaaliyeed.Madaxweyana uu haatan hadlayo ayaa waxa ilaa haatan soo hadal qaaday heshiiskii Garoowe sidoo kale sida loogu baahan yahay midnimada Ummada Soomaaliyeed meel kasta ha joogaane, sidoo kale rajada laga leeyahay Shirka London.
Madaxweyne Shariif waxa uu xusay rajada ah in la helo Dowladda Qaran oo ka mid ah dowladdaha dunida, sida ka guurida xilliga KMG,.
Akhristayaal kala soco si toos ah wararka ka soo kordha shirka aadka loo sugayay ee London conferance 2012 kaasoo haatan si buuxda u furma
