Degmada Xudur ee G/Bakool oo gashay gacanta dowlada
| Thursday February 23, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Gacan kuheynta degmada Xudur gobolka Bakool oo goor dhaw gashay gacanta ciidanka dowlada Soomaaliya oo garab militari ka helaya militariga Ethiopia kadib marki ay halkaa isaga baxeen ciidamadi ururka Alshabaab ee halkaas ka ariminayay
Qabsashada magaalada Xudur oo aheyd
xarunta gobolka Bakool ayaa waxey imaaneysa xili sidoo kale ay gacanta
ciidanka dowlada Somaliya dagaal aan dhiig kudaadan ugashay magaalada
Baydhabo oo lagu tirinayay taliska labaad ee ugu weyn xarakada
Alshabaab.
Ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia ayaa iminka magaalada Xudur waxa ay ka wadaan dhaq dhaqaaq ciidan iyadoo warar hordhac ah oo iminka nasoo gaarayna sheegayaan iney kusii wajahan yihiin degmada Waajid ee isla gobolkaasi.
Dhanka kale waxa wili war rasmi ah laga heenin halka ay qabteen ciidamada lixaadka lahaaa ee katirsan Ururka Alshabaab isla markaana ka ariminayay gobolka kuwaasi oo si iskood ah isaga huleelayo gobolkaasi.
Qaar katirsan saraakiisha ciidanka Alshabaab ayaa warbaahinta qaar kasheegay in dib uga bixida magaalooyinkaani ay ka dhigan tahay qido dagaal oo muhiim u ah bad baadada ciidamada ururka Alshabaab hasa yeeshe jawaba kulul ka bixi doonaan.
Wixi kusoo kordha kala soco wararkeena danbe