Xukumada Somalia oo soo Dhaweysay natijooyinka Shirka London.
| Friday February 24, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Xukuumadda Soomaaliya waxay si qalbi furan kusoo dhaweneysaa mirihii shirkii Londan ee shalay halkaasi lagu soo gabagabbeeyay.
Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed oo shirka ka qeyb galay ayaa waxaa uu yiri “Waxaan u aragnaa talooyinkii iyo natiijooyinka Shirka London guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan
sidoo kalana waxay guul u tahay xukuumadda Soomaaliya” Wasiirka ayaa intaa ku daray “Beesha Caalamka dhamaanteed waxay u midowday sidii ay u garab istaagi lahayd shacabka Soomaaliyeed iyo sidii xal waara looga gaari lahaa dhamaan mashaakilka haysta”
Wasiiirka isagoo ka hadlayay sida ay u arkaan Beesha calamka guulaha ay gaartay Xukuumadda Soomaaliya waxaa uu yiri “Dhamaan madaxdii iyo dowladihii ka soo qeyb galay shirka waxay bogaadiyeen, hambalyana u
direen, Xukuumada Soomaaliya horumarkii ay gaartay mudadii la soo dhaafay, gaar ahaan jabka xooggan ee la gaarsiiyay Dhaqdhaqaaqa Al-shabab ee xag jirka ah oo dhawaan ku biiray Al-Qaacida.
Wasiirka isagoo ka jawaabayay Su’aal ahayd, sideed u aragtaa Beesha Caalamka oo aragtidooda ku mideeyay shirka London iyo saameynta ay yeelan karto ayuu yiri “Arinkaan waxay fursad weyn u tahay shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumadda, midnimada beesha caalamkana waxaa sal u ah guulaha la taaban karo ee xukuumadda Soomaaliya ay ka gaartay dib u heshiisiinta, siyaasada, ammaanka iyo sidoo kale fulintii Tilmaamaha
Jidka (Road map-ka)”