Soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha oo Muqdisho kasocoto

  Sunday February 26, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Waxa maanta lagu wadaa magaalada Muqdisho inuu dib ugu soo laabto wafdi balaaran uu hogaaminayo madaxweynaha dowlada Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Wafdiga madaxweynaha ayaa kaso ambabaxayo magaalada London ee cariga ingiriiska halkaasi oo ay kaga qeyb galeen shirka taariikhiga ahaa ee loo qabtay madaxda dalka Soomaaliya kaasi oo ay kazoo qeybgaleen in ka badan konton wadan .

Qaar kamid ah dadweynaha muqdisho ayaa lagu arkayay hareeraha wadooyinka muqdisho kuwaasi oo isu diyaarinayo soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha iyadoo sidoo kale dadkanina wataan ubaxyo iyo calanka Soomaaliya.

Muuqaalada dadweynaha ayaa ah kuwa aad uxamaasadeesan iyagoo kudhawaaqayo erayo lagu ayidayo war muriyeedki kazoo baxay shirka magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku suganaayeen gudaha dalka Ingiriiska waxa ay halkaasi kala kulmeen taageero balaaran oo ay umuujinayeen beesha caalamka iyo waliba jaaliyada Soomaalida ee kunool dalkaasi