Barakacayaal gacantooda kudilay nin Tuug ah

  Monday February 27, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Meydka Nin dhalinyaro ah ayaa aroornimadi hore ee saakay dadka reer Gaalkacyo waxa ay ku arkeen isaga oo yaalo mid kamid ah wadooyinka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.Halka meydka lagu arkay oo ku dhaw saldhig ciidamada maamulka Galmudug kaga leeyihiin magaalada Gaalkacyo ayaa waxa halkaasi warbaahinta kula hadlay qar kamid ah saraakiisha amaanka ee maamulka Galmudug/

“Kadib marki aan aragnay meydka waxa aanu sameenay baaritaano oo aan durba kusoo ogaanay cida dishay ninkani iyo sababta” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha amaanka maamulka Galmudug oo lagu magacaabo Mustaf Cali Madoobe.

“Ninkani meydka ah waxa uu isku dayay inuu dhac ugeesto mid kamid ah kaamamka kuyaalo deegaanka halkaasi oo ay iska difaaceen dadki barakacyaasha ahaa iyagoona sababay in gacantooda kudilaan” ayuu hadalka sii raaciyay.

Sarkaalkani oo niyad xumo ka muujiyay falalka amni dari ee kadhacayo gobolka ayuu dhanka kale waxa uu ugu baaqay dadka reer Gaalkacyo iney ka qeyb qaataan sugida amaanka iyo wada noolaanshaha.

Arintani ayaa noqoneeso tii ugu horeysay oo kadhacday gudaha magaalada Gaalkacyo oo ay gacantooda ku dilaan dadweyne barakacayaal ah oo ubareeray iska celitna qowleesatada dooneesa dhaca iyo boobka.