Ila Qosol dhax maray madaxda Somaliya iyo RW, Ingiriiska

  Monday February 27, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Gudoomiye mise Madaxweyne? Dadweynoowmarka aad ciwaanka iyo su’aasha aragtaan, wax badan ayaa qalbigiina ku soo dhacaya, inta badan waxaa lumay eray bixintii jagooyinka iyo martabadaha dadku kala lahaayeen, sida uu gebi ahaan u maax dumay oo hawada uga baxay hannaankii maamul iyo nidaam ee dalkeena.
Haddaba sheekadan, oo ka dhacday wadanka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London, ka dib markii laga wacay wafti balaadhan, oo metelayay bulshada Soomaaliyeed, shir loogu magacdaray Shirka Soomaaliya ee London.

Waxaa maalintii 22-kii bishii Febraayo, isugu tegay wafti balaadhan oo ka socda qaybaha Soomaalida, maamullada iyo gebi ahaan xubnaha hadda metela, ee ku magaacaaban maamullada Soomaaliya ka jira, oo awal fara badnaan jiray oo kala duwanaa, haddase dalladda dowladda ku meelgaarka ah isugu yimaada, balse dhawr madaxweyne iyo Gudoomiyayaal kala duwan leh.

Waa Hotelkii lagu casuumay Soomaalida, waxaana loo sameeyay casho sharaf, waxaa habeenkaas is baranayay waftigii Soomaaliyeed iyo qoladii loo martida ahaa, waa Dowladda Ingiriiska, waxaa meesha yimid Ra’iisal wasaaraha ingiriiska iyo wafti weheliyey iyo ilaaladiisa, si ay isu sii bartaan madaxda Soomaalida, uuna ugu soo dhaweeyo dalkiisa.

Waxaay u dhacday is barashadii sidan: Madaxweyne Shariif oo uu hore muuqaalkiisa u yaqaanay ayuu gacan qaaday, isuna sheegay, isagoo og inay ka yimaadeen wadan wareersan oo dhib badan, lagana yaabo inuu qofka hilmaanku ku bato, dhibaatada haysata darteed! Waxuu yidhi: “Waa Mr Cameron, waxaanan ahay Ra’iisal wasaaraha Boqortooyada dalkan Britan” Madaxweyne shariif ayaa isuguna isu sheegay, soo dhawoow iyo mahadsanid ayay ku dhamaysteen.

Waxuu gacan qaaday Gudoomiyahii hore ee Shariif Xasan, isuna sheegay sidoo kale, isuguna isu sheegay inuu yahay Gudoomiyahay lagu dheganyahay, ee ilaa hadda Jabhadda aan hubaysnayn ee Xamar joogtaa (Baarlamaanka Garabka Midig) ka daba laalaado, waxuuna ku yidhi nasiib wanaagsan ayaan kuu rajaynayaa, ku soo dhawoow carriga ingiriiska .

Waxuu u gudbay dhinacii golaha wasiirrada, sida Ra’iisal wasaaraha, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka arrimaha gudaha, Warfaafinta iyo xubne kale, oo dowladda ku meelgaadhka ah, oo mid walba u sheegay jagadiisa iyo magaciisa, si fiicanna ay isu gacan qaadeen, soo dhawayntana uga gudoomeen.

Waxuu soo gaadhay dhinaca Maamul goboleedyada, oo Miiska dhinaca kale ka fadhiyey, iyaga oo badnaa ayaa isbarashadu waxay ku billaabatay sidan:

Mr Cameron : Waxaan ahay Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska, magacayguna waa Mr Cameron Adigana?.

Faroole :Waxaan ahay Madaxweynaha Puntland!

Mr Cameron ayaa fahmi waayay oo u maleeyay madaxweyne ku soo qaldamay Miiska Soomaalida, waxuuna ku yidhi: “Waa xagee Puntland? Ma Jasiiradbaa? Mise waa Jamhuuriyad? Ma Aasiyaa? Mise waa Afrika ? Halkani waxay u gaar tahay waftiga Soomaalida keliya, miyaad soo booqatay?”.

Faroole : Waxaan ka mid ahay Soomaalida, waxaanan ahay Madaxweynaha Puntland!

Mr Cameron : ooh, I Know you are the Governor of the Puntland State of Somalia

(Waxaad tahay gudoomiyaha Maamulgoboleedka Puntland) waan ku gartay, laakiin halkan waa London, waa carriga ingiriiska, waxaanu aqoonsanahay keliya, Madaxweynaha dowladda ku meelgaadhka ah Shariif Ahmed! Waan ogahay inay Soomaalidu jeceshay erayga madaxweyne in loogu yeedho dhamaantood, balse, miyaad iga rumaysanaysaa, wadanka ingiriiska oo dhami malaha hal madaxweyne, intaasi waa iga kaftan, waxyaabaha shirkan loo qabtay ayaa waxaa ka mid ah, in madax la yaqaan iyo maamul la yaqaan loo sameeyo Soomaaliya.

Faroole: Waan ogahay inaadan aqoonsanayn inaan madaxweyne ahay, balse umadaydda ayaa i aqoonsan, marnaba qadiyadda Puntland cid wax ka bedeli kartaa ma jirto.

Mr Cameron: Maya waan ku aqoonsanahay, laakiin, Madaxweynaha Soomaaliya waa mid keliya, dooddaas dib ayaan u dhiganaynaa.

Waxaa gudbay Ra’iisal wasaarihii, markaasuu gacanqaaday Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudugstate, Madaxweyne Caalin, oo markhaati ka ahaa waxii dhex maray Mr Cameron iyo Faroole, markaasuu weydiiyay, “Waxaan ahay Mr Cameron, Adiguna?” Markaasuu yidhi: “Aniguna waxaan ahay Mr Caalin, gudoomiyaha maamul goboleedka Galmudugsate” barasho wanaagsan iyo wanaagsan ayaa laysku dhaafay.

Mr Cameron ayaa soo gaadhay Kursigii Gudoomiye Tarsan fadhiyey, markaasuu isu sheegay: “Waxaan ahay Mr Cameron, Adiguna isu kay sheeg?”.

Tarsan: “Waxaan ahay Tarsan, waxaanan ahay Maayerka Muqdisho”

Mr Cameron: Waan gartay, Adigu weli maad qaadan miyaa shahaadada iyo digriiga madaxweynaha?.

G.Tarsan: Maya weli, oo hadda ayaa magaaladu xor noqotay, laakiin waan ku jiraa inaan diyaariyo shahaadada haddii waqtigu ii saamaxo, teeda kale shirkan ayaa iigu horreeya shir caalami ah aan ka qaybgalo!

Mr Cameron : Dabcan Soomaalida magacyadeeda marka naloo sheegayo ama jagooyinkeeda waan ku wareernaa, Mar waa Amiir, Madaxweyne, Hogaamiye, iyo kuwa fara badan, oo iyaguna dhaqanka ah maalin walba mid cusub ayaa soo baxo, balse waxaan isku dayeynaa inaan wada baranno kulli, waxaan kuu rajaynayaa guul.

Halkaas ayuu barashadii ka sii waday Ra’iisal wasaare David Cameron ilaa ay is wada barteen wafdigii Soomaalida .

Markii uu ka tegay Ra’iisal wasaaruhu goobta, ayaa waxaa kaftan dhex maray Gudoomiye Tarsan iyo Madaxweyne Caalin Gudoomiye, Tarsan ayaa weydiiyey Madaxweyne Caalin: “miyaad tanaasushay sawdigaa jagadaydii sheegtay?!”.

Madaxweyne Caalin ayaa ugu jawaabay isagoo dhoola cadaynaya war Tarsan illeen nixi maysid! Miyaadan arkay saaxiibkay Cabdiraxmaan Faroole waxii ku dhacay iyo meesha lala maray, meeshan Shariif uun baa laga yaqaanaa, Madaxweyne kale ma aqoonsana, xitaa Somaliland oo naga weynayd hawadaa lagu dubtay, oo Madaxweyne Siilaanyo waa laga dhagaysan waayay Madaxweyne ayaan ahay, maaniga cidi iga yeelaysaa saaxiib.

Tarsan: Madaxweynayaal haddaydaan ahayn ee meelaha kale ka tihiin Gudoomiyeyaal maxaad shacabkeena u wareerinaysaan oo aad madaxweyne iyo magacyadan aan laydiin aqoon ku falaysaan? Waad arkaysa markaad jagadayda sheegatay Gudoomiyonimada sida layguu gartay.

Caalin: “ku meelgaadhku hadduu dhamaado madaxweynayaasha maamulgoboleeyadana waa dhamaanayaan gudoomiye ayay xaajadu isugu imanaysaa, oo waad aragataa in aan madaxweyne aan kan Shariif ahayn cidna aqoonsanayn”.

Tarsan: Aniguna waxaaban islahaa iska bedel Mayorka, oo xerta madaxweynayaasha ku biir, laakiin hadda meeshayda haddii loo soo wada noqday, waan iska daynayaa madaxweynenimada, waxaan iska ahaanayaa gudoomiyahayga iyo maayerkayga!



Gudoomiya madaxweyne ah

Madaxweyne gudoomiye ah

Dowlad ku meelgaar ah

Maamul goboleed gaar ah

Yaa Gartooda gelayoo

Guurtidooda ahaanoo

Intay geed u wacaan

U garqaadi yaqaan?.



Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com