Kulan looga hadlayo Amaanka Caasimada oo Muqdisho kadhacay

  Monday February 27, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Waxaa maanta kulan looga hadlaayay sidii loo adkayn lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho yeeshay Taliska AMISOM iyo guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.
Shirkaasi ayaa looga hadlaayay sidii qoysaska ka soo barakacaya duleedka Caasimada Muqdisho ay u heli lahaayeen ammaan, iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay AMISOM lagu sheegay in taliyahooda Jen. Fred Mugisha iyo madaxa xiriirka bulshada uu la kulmay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo uu horkacyay ku xigeenka guddoomiyaha gobolka Banaadir Cali Guure.

ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Iimaan Iikar ayaa sheegay in dadka ka soo barakacay goobaha ay ku harsan yihii Al-Shabaab inay yihiin dad fiican, wuxuuna ku xigeenku sheegay inay taasi daliil u tahay in dadku aaminsan yihiin Dowladda KMG ah.

Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen. Mugisha oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in AMISOM ay sameynayso wax walba oo ay awooddo si ay u xoreyso dalka, wuxuuna sheegay inay kala shaqeynayso maamulka goboka iyo hay'adaha ammaanka sidii loo adkayn lahaa Nabadgalyada magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale Taliyuhu ku boorriyay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir inay sameeyaan hannaan ay isugu xirayaan dadka ku nool degmooyinka ay madaxda ka yihiin si looga hortago kuwa doonaya inay falal argagaxiso ah ka geystaan deegaanada ay ka taliyaan.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaasha Ciidamada AMISOM ayaa balan qaaday inay iska kaashanaayaan sidii loo adkayn lahaa nabadgelyda Caasimada Muqdisho, iyadoo kulankaan lagu balamay sidii loo adkayn lahaa Nabadda Muqdisho.