Juventus Oo Si Aan Hore Loo Arag Ugu Dabaaldegtay Horyaalka Serie A (sawiro).

  Monday May 14, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Kooxda Juventus ayaa xalay dabaaldeg weyn oo in muddo ah laga arkin magaalada Turin qabatay, waxaana bas dusha sarre ka qaawan ay kula soo wareegeen gudaha magaalada Torino iyadoo kumanaan taageerayaal ah ay ka soo qeybgaleen.Juventus ayaa u dabaaldegeyga hanashada Scudetto oo ay xilli ciyaareedkan rikoor ku qaadeen madaama ay yihiin kooxda kaliya ee dhinaceeda aan dhulka la dhigin islamarkaana horyaalka Serie A oo ka kooban 20 kooxood sidaasi ku qaada.

Juventus waxaa si rasmi ah ugu qoron 28 horyaal, lakiin waxa ay damaashaadyadooda ku soo bandhigeen inay qaadeen 30 horyaal, iyagoo iska ilaaway labadii horyaal ee laga qaaday xilligii ay socotay fadeexadii Calciopoli.

Hadaba waxaan idiin soo gudbin doonaa sawirada dabaaldegii Juventus ee Turin iyo muuqaalka video-ga ee laga qabtay:

xigasho laacib.net