Puntland & Galmudug Maxey ku Qoomeen Shirka Istanbul II ??
| Monday May 28, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa maanta ku dhawaaqay in ay qaadaceen ka qeybgalka shirka Soomaalida ee Istanbul II.
Labada madaxweyne ayaa sheegay in
shirkan uu yahay mid sida ay yiraahdeen aaney dan ugu jirin dadka
soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna shacabka ay metelayaan, waxayna
sheegeen in ay ogaadeen in shirka Istanbul II uu yahay mid hareer
marsan geeddi socodkii nabadeynta Soomaaliya ee Roadmap-ka.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in ay u heysteen in shirka Istanbul II uu yahay mid lagu dhameystirayo waxyaabihii ka soo baxay Shirarkii Muqdisho, Garowe I iyo Garowe II iyo is-af-garadkii Gaalkacyo, hayeeshee ay soo baxeen waxyaabo ka duwan wixii ay maleynayeen oo markaasina ay muuqaneyso in dad gaar ah la wato
Madaxweyne Faroole ayaa intaas ku daray in ay dareemayaan in gacan-dhaaf lagu sameeyay ka qeybgalka shirkaas, wuxuuna caddeeyay in mar ay madaxda Soomaalida dhawaan isku arkeen Addis Ababa oo ay arrimaha shirkan wax iska weydiiyeen ay cid walba sheegtay in aaney arrimaha shirka Istanbul waxba kala socon.
Wuxuu carrabka ku dhuftay madaxweyne Faroole in liiska dadka ka qeybgelaya shirka Soomaalida ee Istanbul II laga soo saaray xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in ay arrintaas soo shaaci bixi doonto.
Qaadacaadda hoggaamiyayaasha Puntland iyo Galmudug ee shirka Istanbul II ayaa waxay imaaneysaa iyadoo ergooyinka ka qeybgelaya shirkaas ayaa ku sii qulqulayaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyagoo ka kala imaanaya daafaha caalamka.