Koobka Euro 2012 Oo Caawa Si Rasmi Ah Uga Furmi Doona Magaalada Warsaw Ee Dalka Poland.

  Friday June 08, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Euro 2012 ayaa caawa waxa ay ka bilaaban doontaa Poland marka xulka Poland uu wajaho Greece oo ay kuwada jiraan Group A ciyaartaasoo ka dhici doonta Garoonka Qaranka ee ku yaala Warsaw.Ciyaarta furitaanka oo uu ka horeyn doono xaflada furitaanka ayaa ugu danbeyn soo gabagabeyn doonta koobkii muddo dheer la sugayay ee ay ku tartamayaan 16ka xul ee ugu fiican haatan qaarada Yurub, waxaana caawa la ciyaarayaa labo kulan iyadoo sidoo kale ay iswaji doonaan Russia iyo Czech oo iyagana ku jira Group A.

Ciyaarta ugu horeysa ee furitaanka waxa ay bilaaban doontaa 7da fiidnimo xilliga Afrikada bari, halka ciyaarta labaad ee Russia iyo Czech ay dhici doonta 9:45 PM xilliga Afrikada bari.

Group A ayaa u muuqda Groupka ugu sahlan afarta Group ee Euro 2012, lakiin xulka Poland oo dhinac ka qeyb gelinaya koobkan ayaa cadaadis badan uu saran yahay islamarkaana waa xulka dhanka qiimeynta xulalka ugu hooseeya xulalka ka qeybgalaya koobkaan.

Lakiin kabtankooda xiddiga kooxda Borussia Dortmund Jakub Blaszczykowski ayaa shaaca ka qaaday in cadaadiskaas uu u yahay kaliya mid ay ka qaadayaan dhiirogelin.

Marka laga soo tago Poland waxaa dadka intiisa badan ay Group A ka farmuuqayaan inay si sahlan uga soo baxdo xulka Russia oo caawa la ciyaari doona Czech, halka xulkii koobkaan ku guuleystay 2004tii Greece aan iyagana la yareysan Karin.

Ciyaaraha Caawa Ee Euro 2012:

Group A:

Poland v Greece

Laacib.net

Russia v Czech Republic