Xildhibaan C/man C/Shakuur oo si rasmi ah ugu dhawaaqay musharaxnimada Madaxweynaha Somaliya(Sawiro)
| Sunday June 24, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Marti sharaf lagu casuumay xaflad si heer sare ah loo gaasimay oo ka dhacday hoolweyn oo si qurux badan loogu sharaxay calanka somaliya iyo Masawirka Murashaxa C/Shakuur ayaa subaxnimaddii hore Sabtida ku qulqulay hotelka safari ee magaalada Muqdisha.Siyaasiyiin can ah, culumaaudiin, salaadiin, dhalinyaro iyo haween tirabadan ayaa Dhamaantood ruxayey calanka somaliya ka hor intii uusan soo gelin murasha madaxweynaha Cabdiraxmaan C/shakuur.
Mar qura ayaa sacab iyo mashxarad lala wada istaagay si loo soo dhoweeyo Murashaxa oo soo galay hoolka ay xafladu ka dheceysay isagoo ay garbihiisa socdeen dad magac weyn Ku leh bulshada Somaliyeed dhexdeeda ku waasoo ay ka mid ahaayeen Raisul wasaarihii Hore ee Somaliya Xasan Abshir Faarax, General Maxamed Nuur Galaal, Ugaas C/Daahir Ugaas Nuur, Mudane Xasan Dhinbil warsame, Xildhibaan C/rashiid Cirro, Xildhibaan Xasan Macalin, Xildhibaan DgMarwo Ubax tahliil Warsame iyo masuuliyiin kale oo fara badan.
Mr C/Shakuur oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa si ay kalsooni iyo aqooni ka muuqatey u soo bandhigay fikrado iyo doodo uu sacab weyn uga kasbaday ka soo qeybgalayaasha munaasabadda.

Xildhibaan Xasan Abshir faarax oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in C/raxmaan kaga yaabssaday cod karnimada, cadcadaanta fikradihiisa iyo geesinimadiisa uu la soo baxay.
“ Waan ogaa in C/raxmaan yahay aqoonyahayn waddani ah, waxaanse manta ogaaday inuu geesi yahay” ayuu yiri Mr farax oo ah rug caddaa siyaasadeed raisul wasaarena ka ahaan jirey Somaliya.
C/shakuur oo hadalka ku bilaabay isagoo isweydiiyey waxa xilligan adag ku dhaliyey inuu u tartamo hogaanka wadanka ayaa yiri:
“Siirada nabiga(CSWS) ayaan ka bartay inaan loo baahneyneyn in hogaamiyuhu dhibaatada uun ka sheekeeyo” isagoo tusaale ku bixiyey nin reer Makka ahaa oo nabiga (CSWS) faras ku ceyrsaday markuu Nabigu u hijroodey Madiina kolkuu ka dabo tegeyna Nabigu (CSWS) kuyiri: haddii aad Laabato waxaan ku siinayaa Taajka kisra” oo xilligaa ka dhignaa kursiga aqalka cad, taas oo ninkii ka yaabisay, “Nabigu marna ma muujin dhibtii isaga heysatay” ayuu yiri.
“Uma baahnin inaan dhibta ku celcelinno waxaanse u baahannahanay Hogaan Higsi leh ama Vission”, hogaan arki kara isla mar ahaantaana Shacabk Somaliyeed meel dhow ka tusi kara hogol meel fog ka curatay kuna hayaamin kara” ayuu Yiri, Shacabku marka ay yaqaanaan halka hayaanku ku socdo dhibta wadada la sii marayo wey u adkeysan karaan ayaa hadalladiisii ka mid ahaa.
Waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka arrimaha Caddaaladda iyo Amniga, musuqmaasuqa iyo qabyaaladda, diblomaasiyadda iyo Arrimaha dibadda kooxaha xag jirka ah iyo Marxaladda kala guurka ee haddal lagu jiro.
“Anigu haddii la i doorto waxaa aan muhimadda koobaad siinayaa dhismaha sadex hey’adood oo tiir dhexaad u ah dowlad salka dhigata” ayuu yiri, isagoo tibaaxay in hey’adaha Amniga, Garsoorka iyo dhaqaaluhu ay yihiin laf dhabarta dowlad kasta.
“nabaddu sideedaba waa in muwaadinku dareemaa ammaan iyo xasilooni, taasna caddaalad la,aan lama helayo“ ayuu si kulul usheegay isagoo ku yaboohay inuu dhisi doono heyado garsoor iyo kuwo ammaan oo is dhameystira.
Dowladihii Somaliya ee kala danbeeyey ayuu ku dhaliilay ineysan middoodna laheyn siyaasad cad oo arrimo dibadeed.
“Somaliya mar kasta waxaa ay ku fashilmeysay Siyaasadda Arriimaha dibadda” ayuu yiri, isagoo tusaale u soo qaatay dagaalkii 77 oo ay Ciidanka xoogga dalku guulo kasoo hooyeen iyo sidoo kale guuluhii ay keeneen maxaakimta islaamku oo la dhihi karo ayuu yiri waxaa fashiliyey siyaasad xumi dhanka arrimaha dibadda. “ caadifadda ayaan doorannay caqliga bedelkiisii” ayuu yiri.

Wasiirka arrimaha dibadda ayuu sheegay in uu yahay tiirka diblomaasiyadda dal kasta aanna loo baahneyn in si sahlan lagu bedelo, isagoo dhanka kalena mid aan la fahmi Karin ku tilmamay in muddo afar sano ay Somaliya yeelatay 7 wasiir arrimo dibadeed, “mar haddii aan lixdii biloodba wasiir cusub magacawno yaa dhisaya diblomaasiyaddii” ayuu weydiiyey dadkii dhegeysanayey.
Siyaasiyiinta ayuu ku boorriyey iney shacabka ka gar baxaan, isagoo dhankiisana ku yaboohay inuu diyaar u yahay inuu shacabka Somaliyeed ka garbaxo.
“Waa iney dhismaan heyado awood u leh iney massuuliyiinta la xisaabtamaan, sida heyadaha baarlamaanka iyo garsoor madax banaan.
“Heyadda la dagaalanka musuqmaasuqa oo ay xubno ka yihiin dad isku filan iyo hey’ad madax banaan oo qaabilsan canshuuraha ayaan dhisi doonaa” ayuu balan qaaday.

Alshabab ayuu sheegay in aysan ku filleyn in military ahaan loola dagaallamo oo keliya“Fikrad, fikrad kale ayaa lagula dagaalamaa ayaa hadalladiisii ka mid ahaa, waxaa uu sheegay in Markii ay Culimo waaweyn ee duniada Islaamku riddiyeen fikirka iyo dhaqanka Alshabaab, sheegeenna in islaamu beri ka yahay, ay Alshaabaab khalkhashay ,” in ka badan 20 jeer ayey Alshabaab hadalkii culimada ka jawaabeen” ayuu yiri.
Waxaa uu canbaareeyey waxa uu ugu yeerey Laba xag jirnimo oo qaranimadii Somaliya hallis weyn ku haya, kuwas oo kala ah xag jirnimada diinta huwan oo aaminsan in qof kasta oo muslim ah aan dalka laga xigin uuna muwadin somaliyeed yahay iyo tan labaad oo ah in Tuulo kasta ay yeelato labo illaa sadax madaxweyne ku sheeg. “ waa laba xag jirnimo oon kala fidno yareyn ayuu yiri”.
Odayaasha Dhaqanka ayuu ugu baaqay iney Ka sara maraan khilaafka rakhiiska ayn badbaadiyaan wadanka maadaama aysan harin cid kale oo loo qeylo dhaansado.
Dadkii meesha ka hadlay ayaa dhammaantoo soo dhoweeyey Murashaxnimada Mr c/shukuur iyagoo sheegay in taageero dhan walba la garab istaagi doonaa.
Waxaa diyaariyey: Ifraax Daahir
Weriye madax banaan
Muqdisho
Somalya
Ifraax11@gmail.com
Ka daalaco Barnaamijka siyaasadda ee murashaxa, qoraalladiisa iyo fikradihiisa
Boggiisa khaaska ah: http://aawarsame.com/
TAARIIKH NOLOLEEDA C/RAXMAAN C/SHAKUUR OO KOOBAN
• Abdirahman Abdishakur wuxuu ku dhashat degmeda B/burte ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1968.
• Wuxuu tacliintiisii Hoose/ Dhexe iyo sare ku qaatay isla degmadaas isagoo labo sano oo gurmadka qaranka ah ku qaatay isla degmadaas.
• Craxmaan wuxuu shahaadadiisii koowaad ee jamacadda ka qaadatay wadanka Suudaan oo uu ka bartay sharciyada, isagoo Shahadadii labaad Masters Degree ku sameeyey wadanka Malaysia.
• Wuxuu koorsooyin la xiriira hogaanka iyo maamulka ku sameeyey Machadka Hogaanka iyo Maamulka ee London.
• Craxmaan ka hor intii uusan ku biirin siyaasada wuxuu ka shaqeeyey arrimaha Samafalka iyo Saxaafada.
• Wuxuu kaloo ahaa dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed isagoo wax ka aasaasay ururada Somali Concern Group iyo Somalia Diaspora Conference.
• Wuxuu noqday gudoomiye ku xigeenkii Golahii Dhexe ee Isbahaysiga Dib u Xoraynta Soomaaliyeed lagu dhisay magaalada asmara .
• Wuxuu kaloo garwadeen ka ahaa shirkii dib u heshiisiinta ee Jabuuti isagoo madax u ahaa wafdigii wadahadallada u matalayey isbaheysigii dib uxoreynta Somaliya halkaasoo lagu soo dhisay dawlada kmg ah ee haatan jirta.
• Craxmaan wuxuu noqday xubin Baarlamaanka ka tirsan isagoo loo magacaabay wasiirkii qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DKMG.
• Wuxuu Soomaaliya u metalay shirarka heer gobol iyo caalami ah oo tiro badan, isagoo muddo 20 sano ah markii ugu horeysay oo ay Somaliya shir gudoomisay Golaha wasiirada ee jaamacadda carabta ee ka dhacay dalka masar noqday shirgudoonkii Golaha Wasiirada Arrimaha Debeda ee Jaamacada Carabta, halkaasoo Amiiradii iyo wasiiradii shirka ka qeyb galay ay Somaliya ugu Hambalyeeyeen ammaan fara bandanna ugu soo jeediyeen qaabkii uu shirka u hagay Mr Cabdiraxman gaar ahaan Xirafaddii iyo Diblomaasiyadda uu muujiey markii khilaaf xoog badani soo kala dhex galay waddamada Ciraaq iyo Suuriya ay guddi uu Mr Cabdiraxman Hogaaminayey ku guuleysteen iney khilaafkaas dhaqso u xaliyaan.
• Waxaa uu Mr cabdiraxmaan oo ah sharci yaqan ku takhasusay arrimaha dastuurka aqoon durugsan u leeyahay sharciga diinta islaamka, sharciyada caalamiga ah ( international law) iyo dhaqanka iyo taariikhda Somaliya.
• Waxaa uu si joogto ah uga faallooda halka ay mareyso xaaladda siyaasadda, amniga iyo bulshada ee Somaliya iasagoo marar badan dadka somaliyeed marar badan uga digay iney dhici karto in wadanku gumeysi dib ugu laabto haddii aan xal loo helin mushkiladda dabo dheeraatey ee Somaliya.
Waxaa uu leeyahay qoraallo fara badan oo uu ku qaadaa dhigay xal u helidda mushkiladaha Somaliya , soo if baxa xarakaadka Islaamka siyaasiga ah, cilaaqaadka Somaliya iyo Dunida inteeda kale isagoo baaritaan dheer ku sameeyey qaabka wadamadu uga soo kabataan dagaalada dabo dheeraaday sida kal dalkeenna ka dhacay oo kale.
Waxaa diyaariyey: Ifraax Daahir
Weriye madax banaan
Muqdisho
Somalya
Ifraax11@gmail.com
Ka daalaco Barnaamijka siyaasadda ee murashaxa, qoraalladiisa iyo fikradihiisa
Boggiisa khaaska ah: http://aawarsame.com/



