Amiin Caamir: Afxumo looma aayo!
| Monday August 13, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Aamin Caamir oo ku magac dheer “AminArts” , ayaa ah Farshaxan caanka ah Soomaaliya dhexdeeda, laguna yaqaan inuu inta badan wax ka sawiro Arrimaha Siyaasadda geeska Afrika iyo Arrimaha Bulshada .
Amiin waa Soomaali asal ahaana
wuxuu ka soo jeeda Gobolka Banaadir, Amiin waxaa uu ka mid yahay Bahda
saxaafadda isaga oo leh Mareeg u gaara,
oo uu ku soo bandhigo Sawirro kala duwan, wuxuu ka mid yahay dadka Soomaalida
ugu caansan dhinaca Farshaxanka, Aminarts waxaa muddooyinkii hore
lagu yaqaanay inuu yahay dhexdhexaad ka
turjumaya hadba isbedelka iyo doorka siyaasdeed, Amin waa ardaydii dalka
Soomaaliyeed wax u bartay cashuurta dalka Soomaaliyeed, ilaa hadda lama hayo
waxqabad rasmiya, marka laga reebo sawirrada dacaayadda ah, oo beryihii hore
maskaxdiisa ka iman jiray markii dadku barteen uu noqday mid u adeega ama
fuliya hadba ruuxa dhaqaale siiya codkiisa inuu ku soo gudbiyo sawir ahaan.
Amin dadka qaar ayaa ku eedeeya inuu jiro nacayb qoto dheer uu qabo Soomaalida kale, ee aan ahayn beeshiisa, in kastoo ay jiraan beelo iyo dad khaasa uu xiriir fiican la leeyahay, haddana, waa shaqsi madax bannaan fekerkiisa iyo rabitaankiisuna u gaar yahay.
Aminarts wuxuu caan ku ahaa Faaqidaada sawirrada siyaasada dalka ka turjumaya lamana arag isagoo soo sawiraya, Marwooyinka ay qabaan siyaasiyiinta, sidaan ognahay, haddii hoggaamiye iyo siyaasi khaldan yahay ama saxan yahay maaha mid loo aaneeyn karo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa taas waxaa ka odhan lahaa inuu Amin ku xadgudbay dhaqankii Soomaalida oo xitaa ay ceeb tahay xilliyada dagaalka in lagu xadgudbo Berima gaydada oo Haweenka, Caruurta iyo duqoowda ugu horreeyaan, sidoo kale Siyaasiga waxaan loo aanayn karin ehelkiisa kale, sida Hooyadii, Aabbihiis, Walaaladiis, iyo dadka eheladiisa kale ah.
Aminamir wuxuu sawir laba jeer oo kala duwan ku soo celiyey Marwooyinka Madaxweyn Shariif Shiikh Axmed, Madaxweynuhu waa Hoggaanka dalka dhaliil iyo samaan tuu leeyahayna waxaa ka marag kacaysa bulshada uu hoggaamiyo, lagama xigo AminamirMadaxweynihiisa, hadduu aaminay Canada oo uu maleeyo inuusan dib ugu soo noqonayn dalka ama uusan metelin waa Madaxweynihiisa, balse, Marwooyinka Madaxweynuhu waa hooyooyin iyo Gabdho Soomaaliyeed, oo mudan xushmaddooda iyo xaqdhawrkooda, ahna lama taabtaan inuu siyaasad iyo ciwaan ka dhigtaa waa arrinku cusub oo ugub ku ah dhaqanka Soomaaliyeed.
Aminamir haddii Siyaasadda iyo sinji nacaybku la galay, halkaas waxaa uu ku dhaqaaqay fal xun oo ka cadhaysiin doona Bulshada Islaamka ah iyo Soomaalida oodhan, sababtoo ah shaqsiga aan siyaasaddiisa diiddanahay maaha inaan caa’iladiisa caayo, Saxaafadda xorta iyo Dimoqraadiyaddu maaha inaad diintaada ku tumato, oo aad bulshada u horseedo xumaan, Aminamir waxaa lagu yaqaanay dabeecado uu kala siman yahay saxaafadda waqtigan jirta oo aan lahayn nidaam, xeer iyo dabra, balse, waxaa amakaag noqotay waxyaabaha cusub ee uu la soo shaacbaxay waa halkii uu Abwaankii hore ugu gabyey isagoo ka xun in dumarka mitaal laga dhigo ama sharaftooda iyo milgahooda meel loogu dhaco wuxuu yiri: Abwaan Maxamuud .M. Yaasiin oo ku magac dheer Dhirbaaxo-Jin gabaygiisii labaad ee Silsiladdii “HURGUMO”.
Waxa jira mashruuc aan la gelin lagana maansoone
Dibnahaa maroorsama ninkii mawqifkaa gala'e
Ma macaasho kii ceeb hablaha ugu miciinaaye
Awoowgaa kuwuu dhalay xabaal kuma madoobayne
Maanshaa-Allee dumarku waa ma-hurtadeenniiye
Waa midho inoo wada dhexoon cidi ka maarmeyne
Midda aad qabtiyo hooyadaa laga mataalaaye
Maxaa cayda mooskaaga taal magane kuu geeyey
macdantii xishoodkiyo maxaa sharafti kaa maydhay
Waase meheraddiinii inaad naago murantaane
Gabyaagu wuxuu caddeeyey inay hablaha Soomaaliyeed isku mid yihiin, oo mudan yihiin qadarin iyo qiimayn aad ah, haddaba, Aminamir ma lagu tilmaami karaa shaqsi leh dhaqan Soomaaliyeed, oo metelina kara shacab Soomaaliyeed, ana turjumi kara danaha ummadda Soomaaliyeed?
Aminamir waa halkii iyo halqabsigii Madaxweyne Shariife“Maradaa ka dhacday!”waxaa haboon inuu maro dawgii nin gefay u gar bixi jiray, waa inuu bulshada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana hooyooyinka iyo haweenka Soomaaliyeed ka xaal mariyaa gefka uu gaystay.
Amin keligii wax ma sawiro, waxaa la dhashay gabdho, wuxuu qabaa marwo, waxaa dhashay hooyo, midkoodna ma mudna in wax laga sheego, wuxuu doono ayuu sheegaa, weli ma jiro shaqsi Amin qoyskiisa soo bandhigay ama ka faallooday miyuu taasna garan waayey?!
Aminamir miyuu ilowsan yahay in haweenay Muslimad ah ay tahay wuxuu doonayo inuu ceeb iyo cilaaqda geliyo? Aminamir waxaa jira dad dabada ka riixaya oo ku qasbayaa dhaqamadan xun xun, balse, waxaan kula talinayaa inuu raaligelin buuxda ka bixiyo, hadduu ka bixin waayana uu ogaado, inuu marxalad saddex geesood ah ku jiro oo ah, Haweenku waxay ka soo jeedaan, Dad waxay kale oo u dhaxeen dad, waxayna ku abtirsadaan Diinta Islaamka, intaas oo dhan jawaabihii uu siin lahaa ayaa laga doonaya.
Waxaan ugu darayaa tixdan yar oo aan curiyey markaan arkay dhaqanka cusub ee Amiin Caamir waxaan idhi sidan:
1.Amiinoow arliga laguma arag, eedda kugu taale
2. Ummaddaaba idil yaabtayoo, qaadday amakaage
3. Anfariirka ceebtaad dhigtaay, ka andacoodeene
4. Inkaar weeye ruuxii gabdhaha, abid ilaaqaaye
5. Olalahaa waddaa waa miday, urugo jiiftaaye
6. Akhlaaqiyan Islaamkuna ma qabo, eray xumaaneede
7. Afo uu nin qabo waa inaad ku ixtiraamtaaye
8. Ooridaada ruuxii dhibaa, amase aafeeya
9. Ubadkaaga kuu daba maraa, waa asluub xuma‘e
10.Ma oggola abkaad sheegtiyo, idilba Soomaale
11.Ma oggola edaab dhaqanka wacan, dumar ufooyntoode
12.Dhaxalkii Awoowiyo hiddaha, aradka Soomaali
13.Nin haween ijaafaynayoo, ceeb la orrinaayaa
14.Arrin uguba weeyoo ma jiro, sida Amiinkaase
15.Ayaamahan xurmada Eebbe laad, jiidhay iridkiiye
16.Amiinoow ishaarada xun waa lagu asqoobaaye
17.Irsiq lagama dayo meelahaad ununufaysaaye
18.Is ilaali aragtida xun waa lagu irdhoobaaye
19.Ixtiraamna sii dumarka waa, udub dhexaadkiiye!
Abwaan Yaxye Xaashi Maxamed ayaa dhacdadan markuu arkay isna tixdan ka yidhi, isagoo aad ula yaabay, ma malaysanayn, Suugaanyahan, Saxafi, Farshaxan, Qoraa ayaa haween Soomaaliyeed Aflagaadaynaya, wuxuuna yidhi sidan:
1.Maan gaab sidiisa ah hablaha kama macaasheen
2.Magac kuma heleen goorta uu qalin ku miiqaaye
3.Mudnaan laguma siiyeen wixii maad ahaan jiraye
4.Masruuf kama heleen goorta uu magac ku sheegaaye
5.Waase saban wixii magaca dili lagu mudnaadaye
6.Waa saban midkii macangag ahi mudane sheegtaaye
7. Waa saban madaalaha haween meel dhac loo qoraye
8.Waa saban midida lagu qalaa kii ka maanacane
9. Waa saban majaha iyo madaxa meel isagu gayne
10.Waa saban kuwii sharaf mudnaa maare uu qalane
11.Waa saban madhaafaanki lumay miidanaan jiraye
12.Maxaad ula murmaysaan ninkaan magaci ceeboobye
13.Haddaad meherad leedahay ninyohow maganna doonayso
14.Oo aadan mayrnayn caqligu waa wax kaa maqane
15.Marwadii haween kama dhigteen mayraxdoo kale‘e
16.Miis kuma qorteen jeer intaad midab u yeeshaaye
17.Macaash kama dhanteen goorta aad magaca dhaantaaye
18.Waase lagula maagaye miyaad maqane joogtaysay
19.Maskaxdii miyaad kala tagteen muuqa garanaysay
20.Ma Marqaantay Jaad waa midkii moolka kuu qodaye
21.Majarah ma xorteen sidii Owr magaagsadaye
22.Marwo reero joogtiyo hablaha kulama meerteene
23.Mindi labo aflaad tahay nin yohow waan ku moog nahaye
24.Mooldheer ninkii qoda beroo muluq yiraahdaaye
25.Mugdi buu galaa ruux hadduu mahadho reebaaye
26.Meeshuu istaagaba waxbaa lagu mataanshaaye
27.Iska muudso ceebtaada waa meheraddaadiiye
Waxaan qormadayda ku soo afjarayaa Amiinoow “Ha noqon la mood noqonse wayday” Qalinkayguna maaha mid Siyaasi, Beel iyo koox difaacaya, ee waa midDiinta, dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed difaacayaa iyo meel ka dhaca aad ku kacday.
Fiiro Gaar ah:
Gabayga Abwaan Maxamuud .M. Yaasiin “ Dhirbaaxo-Jin”
Waxaan wax ka bedel ku sameeyey meel magac (Beelleed ku jiray maadaama uusan khusayn mawduucan) in kastoo ay suugaanta ku habboontahay inaad sidii ninkii lahaa u yidhi u tidhaahdid, tansedhinaca ujeedka qoraalkayga ayaan uga bedelay waanan ka cudur daaranayaa meeriska ah “Awoowgaa kuwuu dhalay xabaal kuma madoobayne” waxaan ku daray “Awoowgaa” sida saxda ahna waxa weeyaan “………………. kuwuu dhalay xabaal kuma madoobayne)
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
