Mad, Shariif oo farxad kusoo dhaweyay gudomiyaha cusub ee Barl.
| Wednesday August 29, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Madaxweyne Shariif ayaa si farxad kujirto usoo dhaweeyay gudoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya iyo kuxigeenadiisa ee codka aqlabiyada leh ku hantay doorashadi kadhacday Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta
madaxtooyada Qaranka ayaa shacbiga Soomaaliyed iyo mudanayaasha
baarlamaanka ugu hambalyeeyey doorashada gudoonka baarlamaanka iyo ku
xigeenadiisa oo maanta ka dhacday xarunta akadeemiyada General Kaahiye
ee magaalada Muqdisho.
Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in muddo 42 sanno ah kaddib magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxda Qaranka ay tahay dhacdo muhiim ah, waxa uuna Alle uga beryey shacabka Soomaaliyeed in ay hantaan Qarankoodii, maadaama hadda la guda galay dhismihii hay’addaha sharci dajinta ee dowladda.
Dhinaca kale Shariif Sheekh Axmed ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii ka shaqeeyay hormarka dalka iyo qabsoomida doorashooyinka madaxda dalka ugu sareysa oo qaarkood haatan lagu guuleysatay in si nabad galyo ah ay u dhacdo.
Ugu dambeyntii ayuu Madaxweynuhu shacbiga nabada jecel ka codsaday in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo hormarka iskana iloowaan dhaawacyadii ka soo gaaray mudadii uu burburka jiray lana wajaho dib u dhis dalka iyo kala dambeynta.
Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho lagu doortay Guddoonka Barlamaanka iyo ku xigeennadiisa, taasi oo aan muddo dheer ka dhacin guddaha dalka, waxaa maalmaha soo socda lagu wadaa in isla caasimadda lagu qabto doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si loo soo dhammeystiro dhismaha hay’addaha Qaranka Soomaaliyeed.
Dadka daraaseeya siyaasada Soomaaliy ayaa rumeesan in siyaasada Soomaaliya ay gashay mar xalad laba afleen ah taasi oo marka dhan laga fiirsho usuura galisay madaxweyne Shariif inuu daaqada kasaaro saaxibkiisa siyaasada ee ku kala tageen ee Shariif Xasan oo maanta doorkiisa siyaasadeed ku marxuumay doorashadi maanta halka dadka qaarkii qabaan in tani bilow utahay isbadalka madaxda Soomaalida oo la doonayo dhamaan madaxda dowlada cusub iney noqdaan wajiyo kucusub saaxada dalka Soomalaiya.