
Shariif Xasan "Wararkaasi waa been waxaa idiin sheegayaa in Kenya aysan Rabin Bad iyo Dhul Soomaaliyeed"
Waxaa maalmahaan Waraahinta ay qorayeen warar ku saabsan Shariif Xasan Shiikh Aadan Guddoomiyihii Barlamaankii Xilkiisu dhamaaday oo dhawaan Dalka degdeg uga baxay ayaa wada olole uu ku doonayo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa Heshiiskii lagu bixinayay Badda Soomaaliyeed.
Shariif Xasan oo dhawaan magaalada Muqdisha ka raacay diyaarad gaar ah oo laga leeyahay dalka Kenya isla markaana Safarkiisu uu ku wehelinayay Sarkaal ka tirsan Xukuumadda Kiinya ayaa waxa ay gaareen magaalada Nayroobi.
Shariif Xasan ayaa kulano goono gooni ah la qaatay siyaasiin asalkoodu Soomaali yahay kana tirsan Xukuumadda Kenya kuwaasoo uu kala hadlayay Heshiiskii Badda Soomaaliya qayb ka mid ah lagu siinayay dalka Kiinya. Heshiiskaas oo ay hore u saxiixeen xubno ka tirsanaa Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa hakiyay Barlamaankii Soomaaliya ee Xiligaa jiray, kana dhigay waxba kama jiraan.
Guddoomiyihii hore ee Barlamaankii ku meel gaarka oo si deg deg ah ku gaarey cariga Kiinya markii ay dhamaatey doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa saraakiisha uu la kulmay waxaa ka mid ah guddoomiye ku Xigeenka Barlamanka Kenya Faarax Macalim, siyaasiga Ilayaas Barre Shiil oo ka mid ah la taliyayaasha madaxweynaha Kenya iyo Maxamed Cabdi Gaanddi oo ah ninka sheegta Madaxweynaha maamulka la magac baxay Azania.
Kualanadaas ka dhacay magaalada Nairobi ayaa waxaas la sheegey in doweladda Kenya ay aad u daneyneyso in dib loo soo nooleeyo Heshiiskii Badda ee uu laaley Baarlamaankii Soomaaliya, waxaana wararka ay sheegeen in Kenya ay dooneyso in Shariif Xasan uu taageero musharaxa Cabdiweli Cali Gaas si ay u sahlanaato heshiiskii Badda ee dhacay sannadkii 2009.
Xukuumadda Kiinya ayaa aad u danaynaysa mashruucaas oo qiime weyn uu ugu fadhiyo iyadoona la sheegay in sidoo kale heshiiskaas ay dabada ka riixayaan shirkado dalka Norwey ka tirsan oo halkaa u jooga ama danaynaya sidii ay shidaal uga qodan lahaayeen Xeebaha Soomaaliya.
Faarax Macallin: Ma dhici doonto in Mardambe Xamar looga taliyo Kulbiyow, ninka taas ku riyoonayana waxaa uu ku nool yahay qarni kale...
Guddoomiyihii hore ee Barlamaankii ku meel gaarka ayaa wararku tibaaxeen in xiligan uu si weyn ugu hawlan yahay sidii heshiiskaas dib loogu ambaqaadi lahaa isla markaana loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii hore ee baaxad weyn oo dhul-Baeedka Soomaaliyeed ah looga iibiyay dalka Kiinya, iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in shidaalku uu ku badan yahay dhinaca Xadka Biyaha Soomaaliya halkaasoo si weyn ay u dananayso Xukuumdda Kiinya iyo waliba shirkadaha dalka Norwey.
Si kastaba Su’aasha ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababaha keenay in Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan uu sida deg degta ah ugu ambabaxo dalka Kiinya isagoo aan xitaa wareejin Xilkii Guddoomiyanimada Barlamanka iyo doorka uu ku yeelan karo Heshiiskii Badda Soomaaliya lagu bixinayay Xilligii uu Guddoomiyaha Baarlamanka ahaa.
Shariif Xasan oo shaley dib ugu soo laabtey ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyey Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ahaa shaqsigii uu Shariif Xasan uu doonayey in uu ku soo baxo Gudoomiyaha Baarlamaanka, balse waxaa aqlabiyad ku qaadey Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo isna lagu tiriyo nin ay si aad ah isugu dhow yihiin Dowladda Norway, waxaana Shariif Xasan la weydiiyey in uu jiro warakii ku saabsanaa in dib loo soo nooleeyo Heshiiskii Badda waxaana uu ku jawaabey:
“War Anigu ma ihi Madaxweyne, Raiisul Wasaare iyo Gudoomiye Baarlamaan ee waxaan ahay Xildhibaan caadi ah, marka ma jirto sabab aan Kenya uga wada hadalno arrimahaas, marka waxaan idiin sheegayaa in Kenya aysan rabin dhul iyo Bad Sooomaaliyeed, marka wararkaasi waa kuwa aan sal iyo Raad lahayn”.
Xigasho:somalitalk.com