Ku meel gaarkii ma laga baxay?!
| Saturday September 08, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Xaaladdu u ekaa Dhacdadii “Iima aha!” ee dhex martay “Rag xayn ah oo u hoydey
bakhayl” ee nin si fiican u yaqaani raggii ku yiri: “War kan anigaa aqaane, gacmo wax
bixinaya ma lahan igana wada!” ee halhays ka dhigtay eraga “Iima aha!”
Dhanka kale, Kuray yar oo goor aanuu Caano filayn una baran walaalkii toosiyey oo u
dhiibay Haruub Caano ka buuxaan, oo Xoortu ay karuuran tahay, oo ku yiri: “Walaal
dhan caanaya!” Barbaarkii yaraa isagoo qaadan la’ dhab ahaanta Caanaha uu gamcaha
ku hayo, oo walaalkiis xilligaan siinayo, lana fajacansan ayuu yiri: “Tolow walaalkay
haddaa caano ima siin jirine, ma Doorshaan baa uga dhacay!”
Kala guurka la marayo, ku meel gaarka waa laga baxay la yiri iyo Dawlad daa’im ahna
loo guuri doono! Waa erayo dadka lagu dawakhiyay, macnayn iyo miraynse u baahan,
maqalkooda uu batay, iskaba noqday erayo caadi ah, haddaysan yididiilo gaar ah dadka
galinba.
Sida caadada ahna, marka marxaladdan oo kale lagu jiro, waxaa badan isdaba marinta,
miliqa iyo labka, waxaa la isku laaqaa waxyaabo badan, oo looga jeedo in la hirgaliyo
arrimo gaar ah, dad gaar ahna ay wataan, kana leyihiin dano gaar ah, oo aan dadka
intiisa kale la wadaagin.
Sidaa awgeed, waxay adeegsadaan wadiiqo walba oo ku waaridda dantaa, aalaaba
hilinka ay maraan iyo hudda ay ka dusaan waa qalloocan yihiin iyo danta ay
gaarayaanba, illeen isma keenayaan dan gaar ah iyo dan guude, gaar ahaan marka midda
hore la hormariyo, ee ay noqoto yoolka la higsanayo.
Sidii loo riday Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre, wadanku wuxuu galay fawdo
iyo jaantaa rogan ay masuul ka ahaayeen KOOXDII MANAFESTO ee Madaxweyne u
magacawday Cali Mahdi Maxamed, horseedna u noqday in wadanku galo dagaallo
sokeeye iyo dirir beeleed, maalintaa wixii ka dambeeyey dalka waxaa soo maray
dawlado dhawr ah, oo ku wada suntanaa magaca KU MEEL GAAR, saa oy tahay,
haddana waxaan ku jirnaa KALA GUUR, haddaba maxaa keenay?.
Sababaha Kala guurka
KU MEEL GAARKII lagu jiray, ee asalba caqad ahaa marka dhinacyao badan laga eego,
ayaa waxaa ka soko maray KALA GUUR, ay sabab u ahayd arrimo dhawr ah oo kala ah:
Waqti kordhisashadii Baarlamaanka: masuuliyaddeeda ugu horrayn
A.
waxaa qaadaya Mudane Shariif Xassan Sheekh Aaden, marka xigta waxaa
qaadayaa “TIRA BADNAYAAL TAYA YARAYAAL” aqriste, bal sii goob qormadii
ahayd: “Waqti kordhisashada Baarlamaanka: Waalida Wadarta”.
B. Kampala Accord: waxaa soo wada galay labada Shariif, ka dib markii la isku
mari waayey sida laga yeelayo KU MEEL GAARKII oo dhammaaday, baarlamaanka
oo waqti ku darsaday, heshiiskaa waxaa siyaasad ahaan loo qaarijiyey mudane
Formaajo, oo noqday sidii Wan Udxiya lagu bixiyey oo kale ama la isku furtay,
isna wuxuu la soo istaagay: “DAN SOOMAALI AYAAN U TANAASULAY!”.
C. saxiixayaasha Roadmap: waxaa wada saxiixday qawlaysato dalkan iyo dadkan
afduubatay, kana kooban SHAN NIN iyo EBER, isu gaynse la yiraa waa LIX, waxay
ku heshiiyeen in talada umaddan iyo aayahooda iyagu gooyaan, iyagoon qofna wax
ka weydiin, aqriste, bal sii goob qormadii ahayd: “Saxiixayaasha Roadmapka
iyo rabitaankooda sirgaxan!”.
haddaba, haddii marxaladdan laga boxo, waxay ka dhigan tahay in laga gudbay
QABQABLAYAASHA lagu magacaabo SAXIIXAYAASHA ROADMAP-KA dadka qaarkiise
u yaqaannaan LIXDA SAXAL, madaama dalku yeelan doono hoggaan, dhanka kale,
idlaashaha mudadan waxay tahay in laga baxay KALA GUURKII kaliya, ee marna noqon
mayso in laga baxay KU MEEL GAAR.
Hal Booli ah Nirig xalaal ah ma Dhasho!
Haddaba, waxaa si lab la kac ah loo iclaanshay in laga baxay KU MEEL GAARKII,
weydiinta ugu horraysa aya ah, haddaan KALA GUURKII laga bixin, sidee KU
MEEL GAARKII looga baxay? Haddaan wali Ku jirno KALA GUURKII, sidee na looga
dhaadhicinayaa, waxaa laga baxay KU MEEL GAARKII? Ani ma garan, aqriste, adna?
Dhammaystirka qodobbadan aan sadarrada sare ku sheegay waxay keenayaan in laga
gudbo KALA GUURKA oo kali ah, maadaama hannaan iyo hoggaan cusub la halayo, balse,
dhawr ballanqaad oo la fulin waayey, waxay ka dhigan yihiin in aan dan iyo wanaag
Soomaali u soo socon, waxay kala yihiin:
A. Dooddii Dastuurka oo la diiday: Dastuurka Qabyo Qoraalka ah waxaa dood
badan laga keenay qodobbo qaarkood ay Dhaqanka & Hiiddaha Soomaaliyeed
ka hor imaanayaan, qaarna ay Qarannimada Soomaaliyeed kala qaarayaan,
balse, diidmo cad baa lagala hor yimid, raggan sare ku xusanna ninba si buu
uga hadlay, sida labada Shariif, Gaas, Faroole iyo Xoosh, aqriste waxaad sii
goobtaa qormooyinkii kala ahaa: “Dastuur duran iyo Dal dayacan!” “Doodda
Dastuurka iyo Dabinnada dahsoon!” iyo “Marxaladda kala guurka ah iyo
Madaxda mustaqbalka” qaybta1,2 iyo 3.
B. Odayaal Dhaqan: waxaa loo kulmiyey inay Dastuurka dib u eegis ku sameeyaan,
loona ballan qaaday in ay awood u leeyihiin inay qodobbo ka badali karaan, markii
muddo lagu maaweeliyey Siminaarro iyo kulammo, ayaa ugu dambayn lagu yiri,
idinka xil idinka kama saarna, ee sidiisa ku gudbiya, waxaa sixi doona, wiilasha
aad keensan doontaan, sidaana Odayaasha loo daba marshay Dastuurkii.
C. Shirka Ansixinta Dastuurka: waxaa la furay shir magacaa loo baxshay, waxaana
lagu yiri idinka Dastuurka sixitaankiisa shaqo kuma lihidin, Baarlamaanka imaan
doona yaa sixi doona, ee sidiisa ugu codeeya, waxaana loo raacshay haddaad
diiddaan xitaa waa lagu dhaqmi doonaa mar walba.
Ku meel gaar lagama bixin!
Sida dadkan loo qalday, ee loogu maldahay Diin Daraysan, sida Dhaqankii iyo Hiddihii
looga dhigay dibaadnimo iyo wax ka hor imaanaya ilbaxnimada, sida dadkan Beelo iyo
Qabyaalad loogu kala xiray, sida dadkan Xaaraan ku naaxyo u kala iibsadaan, sidaa
si la mid ah baa loo soo qabadsiiyey erayo aan jirin, oo aan waaqica la xiriirin, aan kuu
tusaaleyo aqriste, ee bal sadarran sii dhugo:
Maalmahaan waxaa dadka la qabadsiiyey oo maankooda lagu daabacay in KU MEEL
GAARKII laga baxay, taa oo ah Cadceed Calaacal ku qari oo kale! Maxaa yeelay marka
aad eegto sida ay wax u dheceen iyo waxa dhacayaba, waxaa kuu soo baxaya inaan laga
bixin KU MEEL GAARKII, waxaanna u cusknayaa dhacdoonkan kala ah:
1. Dastuurka si ku meel gaar ah baa loo ansixiyey: markii ballantu ahayd in laga
wada hadlo, la diid, Odayadiina la dabamari, kuwii gacanta u tagana lagu raad
tiray.
2. Dastuurka si ku meel gaar ah baa loogu dhaqmi doonaa: haddii Dastuurka si
ku meel gaar ah loo meelmarshay, si ku meel gaar ahna afarta sano ee soo socota
loogu sii dhaqmayo, sidee nalooga dhaadhicinayaa, waxaa dhammaaday KU MEEL
GAARKII oo laga baxay, saw ma ahan indha sarcaadis iyo indha carrayn?! “Cidi
yey ku garan weeye, Ciira isku qarin weeye”
3. Xulidda Xildhibaannada: intii dawlado ku meel gaar ah la soo dhisay,
Xildhibaannada waxaa soo xuli jiray Odayaasha Dhaqanka, wali ma dhicin
in shacab soo doorto ama xitaa lagu saleeyo si hufnaani ku jirto, ee mar walba
waxaa lagu soo daraa kuwii umadda dhibay ee dalkaan halaagga u horseeday
Wadaad iyo Waranle, xildhibaannadanna sida kuwii hore waxaa soo xulay
Odayaal.
4. Awood qaybsiga Qabiillada: wali waxaa la dabbaqayaa hannaankii gurracnaa
ee ku SALAYSNAA KALA SARRAYNTA SILLOON, bal Xildhibaan awalba beel
matalayey, ee haddana la yiri beel hebel adaa ka fiican, maxaad ka filan? Ayna u
sii dheer tahay inaan waligii khayr lagu arag, wanaagna lagu sheegin.
Gunaanad
Marka laga soo tago inay xukunka xaaraan ku wada haystaan, marka laga soo tago
inaysan cidna matalin, marka laga soo tago inaysan hoggaamin karin bulshadan, marka
laga soo tago inaysan xilkasnimo lahayn, marka laga soo tago inaysan doorasho ku joogin,
marka laga soo tago inaysan xukun goyn karin, marka laga soo tago inay adeegayaal
yihiin,marka laga soo tago inay xaaraan ku naaxyo yihiin, marka laga soo tago inay
gablan yihiin geerida Meles ka dib [Mardhaw fisha qormo ku saabsan geerida Meles]
Marka laga soo tago inta aan qodobbo soo tixay...Intaa iyo inta aanan xusin marka
laga soo tago, ma waxaad naga dhaadhicinaysaan in KU MEEL GAARKII laga baxay?
Ma waxaad nagu shubaysaan in KU MEEL GAARKII laga gudbay? Ma waxaad noo
meerinaysaan in KU MEEL GAARKII la mooday? Ma waxaad nagu dalqinaysaan in KU
MEEL GAARKII la duubay? Waxaa hubaal ah, in sida aad wax qoondayseen aysan ku
dhammaanayn, midda ka sii muhimsna yaa ah, in dadku aysan wada suuxsanayn.
Jamhuuriyadan cusub ee dhalanaysaa, ma dhalanteedkii iyo Dhaankii Dabagaalle oo
naloo muujiyaa? Aqriste, bal ila eeg qodobbadan: Haddaan wali kala Guurkii laga bixin,
haddii Dastuurkii Odayadii la dabamarshay, haddana Guddigii lagu saantirtay, haddii aan
wali baarlamaanka tiradiisa la dhammayn, Haddii Siilaanyo inuu goostay la taagan yahay,
haddii Faroole ku guddooniyo inuu goosanayo, haddii Kanya dadka iska xasuuqayso,
haddii ay si Sharcidarra ah Shidaal Baddeenna iyo Berrigeenna uga baaranayso, haddii
Xabashi Tuulo walba wadanka joogto, haddii maalin walba Ugandhiis la soo kordhinayo,
haddii Ciidan Poslis Afrikan ah la keenay saldhigyada wadanka, haddii talada dalka
Mahiga ka go'do, haddii......sidee Jamhuuriyad cusub ku dhalanee? Ani waa iga maan
dedane, yaa daliili kara sida wax ku dambaynayaan?!
Ugu dambayn, Kampala accord, Roadmap, Odayo qasban, Ergo gadan, madax
musuq, maal quban, qaran laalan, ka sokow, waxaa cad inaan KU MEEL GAARKII laga
bixin, waxaa marag ma doonta ah inaan KU MEEL GAAR laga bixin, waxaa sida dharaar u
muuqda inaan KU MEEL GAAR laga bixin.
Waxaase hubaal ah in qaranka Soomaali sii nuxuunsayo, haddana, Gaas dhagoolaha iyo
inta wax ma garatada ah, sida loo hireeyo la adeegsaday, kuma sii jirto haddaad loo
tilmaamayo wax iyaga ka maqan ee ay tabayaan.
War iyo dhammaan, waxaa madlan doorasho, weydiinta yaase ah; Yaa la dooran? Yaa
is dooran? Maxaa lagu dooran? Maxaa la isku dooran? Sidee la isku dooran? Maxaa
dammaanad oo jira, kan la dooranayo iyo kan wax dooranayaba?.
Isu gayn waa weydiimo maqan, hadde maxaad ka filan warcalintoodana, haddiiba
su'aalihiiba maqan yihiin, waa wax jawaabo ah ha filan! Arki doonnee duulkaan
daltuurrada ah meesha ay Soomaali ku furaan!
Bashir. M. Hersi
brdiraac@hotmail.com