Tagerayasha Farmajo & Xasan Sh: oo buux dhafiyay wadoyinka Muqdisho
| Sunday September 09, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxa soo buux dhaafiyay dadweyne jadbeesan kuwaasi oo taageero u ah musharaxiinta kala gedisan ee utaagan xilka madaxtinimada Soomaaliya.
Isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho oo kamid ah isgosyada ugu waa weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxa maanta soo buux dhaafiyay dadweyne lugeenaya iyo gawaari mootayaal lagu soo xardhay sawirada musharaxiinta utaagan xilka madaxtinimada Soomaaliya.
Taageerayaasha ugu badan ee saakay indhahaaga qabanayaan ayaa waxey codkooda kubiirinayaan musharaxiitna kala ah Mudane Farmaajo iyo Siyaasiyga Xasan Sheekh.
'isu
Dhanka kale hoteelada Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay maanta yihiin kuwa aan meel laga joogsada laheen waxana kasocdo munaasabado is diidan oo lagu kala taageerayo musharaxiinta kutartameeso xilka madaxtinimada Soomaaliya.
dhanka kale waxa iyana si xoog leh magaalada Muqdisho kasocoto kala xod xodashadi xildhbaanada baarlamaanka Soomaaliya oo la arkayo in musharaxiinta utaagan xilka ay wakiilo dheereeya usoo dirteen soo xero galinta xildhibaano tira badan si ay ua helaan codka munayahsa ugu badan ee baarlamaanka Soomaaliya.
Maqaayado badan oo kuyaalo inta udhaxeysa madaxtooyada Soomaaliya iyo garoonka Muqdisho ayaa waxa maanta laga dhigay kuwo qaab lacag la'aan ah wax looga cunaayo oo ay taageerayaasha musharaxiinta loo fasaxay in maraq lacag la'aan ah cunaan.
