Siyaasyiin Culus oo kahadashay Munasabada Sh: Shariif (Warbixino)
| Sunday September 09, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Waxa wili si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka City Plaz xafladi lagu taageerayo musharax madaxweynaha Soomaaliya mudnae Shariif Sheekh Axmed iyadoo iminka socoto qudbadaha wasiirada xukuumadihi is badalay ay ka jeediyeen halkaasi.
Wasiirki hore ee gaashaandhiga Xukuumadi Farmaajo Cabdixakiin Fiqi ayaa qudbad xamaasadeesan kajeediyay munaasabada lagu taageerayo Sheekh Shariif isagoo si aad ah ugu nuux nuuxsaday sooyaalka madaxweyne Shariif oo mudo ay soo wada shaqeeyeen isagoona tilmaamay inuu yahay geesi wadani ah oo mudan in markale loo doorto xilka madaxtinimada Soomaliya."Habeen Saq dhaxaa ayaa waxa isoo wacay xog heynta madaxweynaha iyagoo ii sheegay in madaxweynaha ii baahan yahay , markaas ayaan kudhahay oo maba jiifto miyaa markaas ayaa waxa uu madaxweynaha igala hadlay xaaladaha amaanka iyo sida ciidanka loo daryeeli lahaa, bal ufirso madaxweyne aan jiifaneen oo har iyo habeen utaagan daryeelka dadkiisa iyo dalkiisa", ayuu yiri mudane Fiqi oo si aad ah ugu dheeraaday sida ay muhiim utahay in la doorto mudane Shariif oo uu sheegay inuu yahay geesi wadani ah.
Xuseen Carab Ciise oo ah wasiirki gaashaandhiga ee Xukuumadi Gaas ayaa isagana siweyn ugu taag taagsaday sida ay muhiim utahay in mudanayaasha udoortaan madaxweyne Shariif isla markaana dadweynaha Soomaaliyeed soo dhaweeyaan.
Wasiirada gaashaandhiga Xukuumadihi hore ayaa waxey sheegeen in madaxweynaha ay kaga yaabi jireen marka uu go'aano kuqaato inuu gaaro goob walba oo shabaabka laga bixiyay iyadoo aan kasoo wareegan saacado taasi oo kadhigan inuu yahay geesi aan geerida kabaqin.
Dadweynihi kasoo qeybgalay kulanka ayaa sacab iyo mashxarad kusoo dhaweeyay qudbadaha lagu amaanayo madaxweyne Shariif loogana sheekeenayo hab dhaqankiisa maamul oo laga dhadhansan karo kartida iyo daacadnimada .
Cabdisamad Macalin Maxamud oo aha wasirki arimaha gudaha ee xukuumadi Gaas ayaa qudbad xasaasi ah sidoo kale kajeediyay goobta isagoona in badan kudheeraaday kasheekeenta shaqsiyada madaxweyne Shariif inta uu kayaqaano iyo waliba mudadi uu lasoo shaqeeyay madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed.
Qudbadaha ayaa ah mid wili halkoodi kasii socoto waxana safka qudbadaha kusoo jira Siyaasiyiin ee kamid yihiin Gudoomiyahi hore ee baarlamaanka Soomaalya mudane Shariif Xasan Ra'isul wasaarihi hore Cali Maxamed Geedi, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Tarsan iyo talyayaasha ciidamada booliska iyo militariga Soomaaliya.
