Sirta ugu dambeesay ee kala xod xodashada xildhibaanada.
| Sunday September 09, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Wararki ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sare ukacday kala xod xodashadi xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo ay wadaan musharaxiinta utaagan xilka madaxtinimada Soomaaliya.
Wararka ayaa xaqiijinaya in musharaxiin dhowr ah ay dib uga baxeen tartanka madaxtinimada kadib marki suuqa lasoo galiyay lacago xad dhaaf ah oo ay wadaan sida la xaqiijimyay dulaalada ka wakiilka ah musharaxiinta kala ah Madaxweyne Shariif, Ra'isul wasaarih hore Gaas iyo Ra'isul Wasaarihi hore ee xukuumadi Tayo mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.Xildhibaanada Qaar oo aan xiriiro lasameenay kana gaabsaday magacydooda ayaa xaqiijiyay in lacagta suuqa lasoo galiyay iminka mareyso xildhibaanki Konton Kun Doolar iyadoo taasi ay wehliso balan qaadyo xildhibaanada qaar kuwooda ugu afka dheer loo sameeyay oo lasiin doono jagooyin sare marka uu guuleesto mushaxa ay taageeraan.
Xafiiska ololaha doorashada musharax Farmaajo ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in maxalad xasaasi ah uu marayo tartanka madaxtinida Soomaaliya isla markaana musharax Farmaajo oo heesto taageerada inta badan umada Soomaaliyeed.
Xafiiska Farmaajo ayaa sidoo kale beeniyay in wax lacago ah ay suuqa soo galiyeen kuwaasi oo ay ku doonayaan iney kugataan codka mudanayaasha baarlamaanka Soomaalya.
Taageerayaasha madaxweyne Shaiif ayaa dhankooda ku faanaya iney heestaan taageerida shacabka Soomaaliyeed kuwaasi oo rumeesan in Shariifka uu yahay shaqsiga dib ukiciyay dareenki wadaninimo ee Soomaalida oo dhintay labaatanki sano ee udambeesay.
Dhanka kale waxa jirto warar hoose oos heegaya in taageerada beesh Caalamka iminka ujan jeersatay dhanka madaxweyne Shariif iyadoo taana ee kacareesiisay qaar kamid ah musharaxiinta latartameesay madaxweyne Shariif waxana sidoo kale arinaan ka careysiisay Madaxweye Putlan Mudan Farole.
Xaalada aya ah mid kacsan waxan socoto xod xod xodoshadi udambeesay ee musharax walba kudoonayo inuu musharaxiinta kale uga taqaluso.
Wixi kusoo kordha wararkaas dib ayaa idinkala socod siin
