Janaral Qeybdiid oo fariin adag udiray Madaxweyne Faroole
| Sunday September 09, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Galmudug Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa maanta Shir jaraaaid ku Qabtay Magaalada Muqdisho, wuxuuna ka hadlay Arrimo dhowr ah sida Arrimaha Burcad badeeda, Al-Shabaab la dagaalankooda iyo hadal Xalay ka soo yeeray Madaxwaynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole .
Md. Cabdi Qaybdiid waxa uu si kulul ugu horeyntii uga hadlay hadalkii ka soo baxay Faroole ee ahaa in hadii Madaxwayne uu noqdo cid aan ahayn cida ay taageerayaan ay qaadan doonaan tilaabo uu qorayo Dastuurka maamulkaasi sida uu yiri oo uu ula jeeday inay ka goosan doonaan Soomaaliya inteeda kale .
Qaybdiid ayaa waxaa uu intaa ku daray in uu uga digayo Faroole in uu Caqabad ku noqdo Hanaanka Nabadeynta Soomaaliya iyo dowlada la soo dhisayo uu joojiyo hadalada xiisadaha abuuri kara ee kala fogayn kara shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Madaxwayne Cabdi Qaybdiid ayaa mar uu ka hadlayay dhinaca Burcad badeeda ku xoogan deegaanada uu Maamulkaasi ka arimiyo ayuu sheegay in maamulkiisu uu la dagaalamayo Burcad badeeda uuna ka cirib tirayo Deegaanada uu gacanta ku hayo in kastoo uusan meesha ka saarin in laga gacan siiyo la dagaalankooda.
