Xasan Sheekh oo Aruursaday kudhawaad 150 Xildhiban (Sawiro)

  Sunday September 09, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Musharax Xasan Sheekh Maxamuud ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlmaanka Soomaaliya ayaa maanta Hotelka Safaari eemagaaladda Muqdisho kulan qado ah kula qaatay ku dhowaad 150 Xildhibaan oo katirsan Baarlmaanka cusub ee Soomaaliya.Qadada kadib ayaa waxaa kulanka ka hadlay Gudoomiye Xigeenkii hore ee Baarlmaanka Cabdi Wali Ibraahim Muudeey oo sheegay in Baarlmaanka cusub uu doonayo Isbedel isagoona ku baaqay in xildhibaanadacodkooda siyaan Prof Xasan Sheekh.

“Maanta meesha aan taaganahay waa muhiim siyaasaduna waxa ay rabtaa isbedel waad ogtihiin in sxbkey Shariif Xasan labo xafladood kala joogno anigawaxaan aaminsanahay Xasan Sheekh in uu yahay ninkii dalkaan dhibka ka saarilahaa”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi WaliMuudeey.

Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo ka hadlay kulanka ayaa Xildhibaanada u sheegay in ay doortaan aqoon yahaykarti leh isagoona tusaale u soo qaatay Xasan Sheekh Maxamuud oo ah hogaamiya Isbadeldoon ah.

Xildhibaan Cali Khaliif Galeeyr ooisana ka hadlay kulanka ayaa ku sheegay in Musharax Xasan Sheekh uu yahay ruux ka wal wala xaaladda dalka lehna dareen qaran islamarkaana taariikh wanaagsan ku leh bulshadda Soomaaliyeed iyo aduunkaba.

Waxaa ka mid ahaa Xildhibaanaddii ka hadlay kulanka Xildibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, XildhibaanDhalxa, Maxamed Rashiid iyo kuwa kale oo dhammaantoodba hoosta ka xariiqay in loobaahan yahay wajiyo cusub islamarkaana ammaan iyo mudnaan madaxtinimo ku tilmaamay Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeeyntii Musharax XasanSheekh Maxamuud oo ka hadlay kulanka ayaa qudbad soo jiidatay Xildhibaanaddajeediyey, waxa uuna tilmaamay in uu biloowday isbadelka , waxa uuna dalbaday inisbadelka la sii dhiiro geliyo.

”Dowladnimadu waan wada leenahay anigana waxaan noqon doonaa kii fududeeynayay idinkanuna aad kashaqeysaan, isbedelku waa biloowday aanu dhameystirno aniguna is bedel ayaan u tagaanahay” ayuu yiri Musharax Xildhibaan Xasan Sheekh.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, taasoo noqoneysa markii u horeysay muddo 42-sano oo lagu doorto Caasimada Soomaaliya Madaxweyne Soomaaliyed.