Digniino kadhan ah Taageerayaasha Musharaxiinta (Akhriso)
| Monday September 10, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa caawa ka digay banaanbaxyo Caasimadda Muqdisho lagu qabto inta ay socoto doorashada Madaxweynaha Dalka oo maalinnimada berri ah ka dhici doonta magaalada Muqdisho.
Kadib shirjaraa’id oo ay caawa wadajir magaalada Muqdisho ugu qabteen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey go’aankaasi oo la xiriira inaanay magaalada Muqdisho lagu qaban Karin wax banaanbax ah inta doorashadu socoto.
Shirkajaraa’id oo ay Wasiirradu ku qabteen Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku wehliyey Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo Saraakiil ka tirsan Ciidammada AMISOM.
Wasiirrada ayaa ku sheegay in go’aankan looga gol leeyahay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka Caasimadda maadaama ay mudo 42sano kadib Muqdisho maalinnimada berri ah marti gelineyso doorasho Madaxweyne.
Wasiirrada ayaa sidoo kale shirkooda jaraa’id caawa ku sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho loo xilsaaray ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM islamarkaana ay rajeynayaan in si nabad gelyo ah ay doorashadu ku dhacdo Insha Allah.