Qarax Ismiidaamin ah Oo lala eegtay Madaxweynaha Cusub ee Somaliya

  Wednesday September 12, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Waxaa goordhaw labo Qarax oo Ismiidaamin ah ay ka dhaceen afaafka hore ee Hotelka uu daganyahay Madaxweynaha Cusub ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud. Labada qarax ayaa la sheegay in ay kala dambeeyeen qadar labo daqiiqo ah qaraxa mid kood waxa uu aha Weerar ismiidaamin ah oo nin naftiisa soo huray isku soo xiray walxaha qarxa isku qarxiyay afaafka hotelka Jaziira , halka kan kalana uu yahay mid laga soo buuxiyay gaari walxaha qarxa.

Xaalada ayaa ah mid kacsan ciidamo badan oo AMISOM ah ayaa isku gadaamay halka uu qaraxu ka dhacay ,waxaana gabi ahaan xiray wadada aada garoonka aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo kuyaalo hotelka iyo xarunta Qaraxyada lala eegtay.

Inta la ogyahay 7-qof uu ku jiro Askar AMISOM ah iyo askar katirsan Ciidanka Taraafikada iyo dad rayid ah ayaa ku geeriyooday weerardaasi ismiidaaminta ahaa.Waxaa goordhaw labo Qarax oo Ismiidaamin ah ay ka dhaceen afaafka hore ee Hotelka uu daganyahay Madaxweynaha Cusub ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud.