Madaxweynaha oo la waregay shaqalihi & Xafiisyada Madaxtoyada
| Thursday September 13, 2012 | PRINT THIS PAGE |
Kadib markii shalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Proff. Xassan Sheekh Maxamuud uu ka badbaaday weerar isku day dil ah oo qarax ismiidaamin ah loo adeegsaday ayaa maanta waxaa lagu wareejiyey qayb kamid ah Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.
Proff. Xassan Sheekh waxaa lagu soo Madaxtooyada waxaa soo dhoweyntiisa ka qayb galay masuuliyiin ay kamid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Taliyeyasha Ciidamada qalabka sida, shaqaalaha Madaxtooyada iyo madaxwynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa socod dheer kusoo maray waaxaha kala duwan ee ay kooban tahay xarunta Madaxtooyada .
Markii uu socodka soo dhamaaday ayaa Madaxweynaha cusub waxaa loo dhigay xaflad ballaaran oo loogu wareejiyey qayb kamid ah Madaxtooyada oo uu ku shaqayn doono.
Xafladda ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Madaxweynhehii hore ee Dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed, waxaana uu faah faahin ka bixiyey qaabka Madaxtooyada iyo shaqaalaha kala duwan ee Madaxtooyada ay u shaqeeyaan, Shariif waxa uu u mahad celiyey qaabka wanaagsan ee ay shaqaalaha Madaxtooyada u guteen waajibaadkooda Shaqo .
Kadib markii shalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Proff. Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isna dhankiisa waxa uu u mahad celiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo dhamaan shaqaalaha Madaxtooyada ee sida hufan u soo gutay waajibaadkooda shaqo.
Waa kormeerkii ugu horeeyey oo Kadib markii shalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Proff. Xassan Sheekh Maxamuud uu ku sameeyo Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.
Dhanka kale Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa maanta lagu wareejiyey xafiisyadii shaqada ee Guddoomiyahii ka horeeyey iyo qaybtii uu ka degnaa Madaxtooyada.
Guddoomiyahii Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa dhamaan wareejiyey xafiisyadii shaqada waxaana si rasmi ah loogu wareejiyey Guddoomiyaha cusub Proff. Jawaari.

