Magaalada Muqdisho Oo Habeeynkii Xalay Madaafiic Laga Hoyan

  Thursday September 20, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE
Duqeyn Madaafiic xoogan oo dhimasho iyo dhaawac geeystay ayaa xalay loo geystay degmooyinka Shibis iyo Boondheere, iyadoo duqeynta aheyd madaafiic Hoobiyeyaal ah oo aan la ogeyn halka ay ka soo dhaceysay. Duqeynta oo bilaabatay xalay saqdii dhexe abaarihii 1:30 ayaa madaafiicda oo ahaa kuwo si is-daba joog u soo dhaceysay ayaa waxay ku hoobatay guryo dad rayid ah ay si nabad ugu hurdayeen.

Inta la og yahay afar-ruux oo ay ku jirtay Haweeney Umul ah ayaa ku dhimatay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyntii xalay, waxaana madaafiic ku dhacday Kaam ku yaal degmada Boondheere oo lagu magacaabo Buulo maqaar ay qasaaraha ugu badan ka dhalatay.

Tirada Kaamka ku dhaawacantay ayaa la sheegay inay gaarayeen 10-ruux oo ay ku jireen caruur, waxaana markii dadka la geeyay Isbitaalada la sheegay in labo ruux ay geeriyoodeen.

Waxaa jira Hoobiyeyaal aan qarxin oo ku dhex jira kaamka, kaasoo saraakiisha booliska oo gaaray halka wax ka dhaceen ay ku wargeliyeen inay ka fogaadaan.

Mid ka mid ah ruux qoyskiisa ay ku waxyeeloobeen duqeynta ayaa sheegay inay ka dhaawacmeen qoys ka koobay lix ruux oo ay ku jirtay walaashiis iyo saddex caruur ay dhashay loola cararay Isbitaalada Muqdisho.

Goobaha madaafiicda ku dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Suuqa Maana Booliyo, halkaasoo uu ku dhintay wiil dhalinyaro ah oo ku lahaa dukaan ganacsi, iyo dhaawaca labo kale oo waardiyaasha suuqa ahaa.

Lama oga halka uu sida rasmi ah ugu abaarnaa duqeynta, iyadoo saaka dadka ku nool xaafadaha Shibis iyo Boondheere ay hadal hayaan duqeynta ku soo dhacday, kaasoo ay hurdada kaga salaleen.

Ma jirin wax jawaab ah oo ay ka bixiyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo xilliyadii hore jawaabo culus ka bixin jireen marka la soo duqeeyo, mana cada halka ay ka yimaadeen duqeyntan.