Madashaas Jabuutaay Ma Tahay Mid Noo Wacan ?
| Friday May 09, 2008 | PRINT THIS PAGE |
Maqaalkaan oo aan ugu magac daray Madashaas Jabuutaay ma tahay mid noo wacan, waa mid aan ummadda soomaaliyeed, masuul iyo maati, meel walba eey joogaan u macnee is leeyahay.
Maxaan nahay Maxaa dhacay ?
Marinkaan aan heeynaa ma yahay mid noo wacan ?
Mise meytkoon badiniyo maatidoon leeynaa murug-maarug dan moodnaa ?
Su’aalahaan sadexda ah qof walba oo soomaali ah ha isweeydiiyo hana isaga jawaabo
Waxaan nahay ummad walaalo ah isku diin, luqad, dhaqan ah sinabana aan lagu kala sooci karin
Waxaa dhacay dulmi, cadaalad daro, is xaqir, sadbursi qabiilba damcay inuu qabiilka kale ku sameeyo, waxaan isu quuri weeynay saldanada ilaaheey bixiyo qofkuu rabana siiyo in loo ogaalado, waxaan isku noqonay xasad, waxaan isku dhignay xasuuq & xadgudubyo taariikh reeb ah, waxaan isku bixinay magacyo badan oo midba si loogu oowr kacsanayo, waxaan isu adeegsanay cid walba iyo qolo walba meesheey danmooday ineey guul ku gaareeyso, waxaa dhacay somaali gabi ahaan ineey wadankii ka qaxday, xeryaha qaxootiyada iyo xabsiyada aduunka aan buux dhaafinay, dariiqyada aan ku silicsanahay badahana aan ugu daadaneeyno tarab-tarab meytkeenuna libaax badeedku ka dhargay, dhulkii iyo saldanadii sadbursiga aan sidaan isugu dhignayna maanta dhamaanteen meel cidla ah ka joogno, oo qabiil iyo koox maanta guul sheegan karta aaneey jirin walina ku sii dhaga adagnahay inaan sii wadno, intaas kaliyah ma dhicin ee in ka sii badan oo aanan soo koobi karina ayaa dhacay.
Marinka aan heeynaa ma ahan mid noo wacan iyo mid na geeynaya meel aan ku nasano oo na hilmaansiiya dhibkii aan soo marnay, waxaan ku joognaa jid natiijadiisu eey ka muuqato dulmigii dhacay mid laba jeer ka badan, waxaan u muuqanaa qaranimadii soomaaliya inaan meel cidla ah ka joogno.
Maatida leeynteeda iyo magaalooyinka dumintooda maclinbaan ku wada nahay, midkeen mid ma dhaamee, maxaa noo qorshe ahoo madashaas jabuuti maanta eeynu geeynaa, mise midi midi ku taag iyo murankii horeetaan meelaha la joognaa?
Hadaba jawaabahaas aan bixiyay markii qof walba ka jawaabo talo ha siiyo Masuuliyiinta hana yiraahdo sidan
Meel Ku Gaarka Qarankoow
Horta yaan la is maldihinoo, wax moogayaal la noqonine, maanka intaad adeegsataan, maatidii dhamaataye, maal waxaan laheeyn iyo magaceenii qaranimo murug-maarug weeyee, mar qura waxaad tiraahdaan ma rabno shisheeye, inagaa is maamuli, keena madaxtinima raba iyo macangag moowqif laawe ah, meel aan isgu imaano, moowqif qaranimo iyo maandeeq u heesno.
Midoowgii Casmaroow
Macaanka qaran leeyahay iyo midnimo waxeey tahay, Maalmaad u joogteen, mantana mirihii, ummada aad u beerteen meel cidla ah yuu ku lumin, arrin kaa madoow iyo xaaja kaa maroorsatay, marbaa waxaa la doortaa laba daran midood daa, magaceeni qaranimo, macaankeenii islaamkiyo, maandeeq hasheenii, muwaadiniin ku heestaa markale inaan aragnaa midigtaada weeyee madashaas jabuuti intaad miiska timaadaan, macaan iyo qaraar iyo midna adoon ka eegeeyn, horta midoow bilaaboo, meeshana ka sii wada maatidana badbaadiya miciinsiga shisheeyaha meeshaas ayuu ku harayaa.
Muqaawamada Gudahaay
Mowtku xaq weeye, mana la maadin karayee, meel aad u jeediyo macnahaagu waxuu yahay, magac kastood lahaataba , Maatidii dhamaataye, ma heeystaan masaariif, maalkoodii la diidyoo maciinsina waayeen,. Moowlahoodeey baryeenoo macalinkii Jabuutaa marada u bitiyoo meel isugu imaadoo, maasuul moowqif yeeloo, maatidaada dhoowroo meel isugu keensoo, meherada u yeeloo, maalgalin abuur yiri, ee Maanta waxaan idin leenahay madfaca iyo garneelkiyo Miinooyinka meel dhiga.
W/Q: C/Qaadir Guure Cismaan
E-Mail: akguure@hotmail.com
