SAHAN GUUL LEH IYO SAADAASHA KHEYRKA
| Wednesday May 21, 2008 | PRINT THIS PAGE |
Soomaalida burburka ku dhacay, waa mid sababtiisa iyadu leedahay. Laakiin su’aasha is weeydiinta mudan ayaa ah bulsha weeyntii soomaaliyeed yaa qaadaya masuuliyadaas. ?
1. Ma Aqoonyahanada ?
2. Ma Siyaasiyiinta ?
3. Ma Ganacsatada iyo Maal-qabeenka ?
4. Ma oday dhaqameedka iyo Kaabo Qabiilada ?
5. Ma Culumo Diinka ?
6. Ma dhalinyarada Soomaaliyeed ee hubka sidatay ?
7. Mise Haweenka Soomaaliyeed ?
Aqoonyahanadii soomaaliyeed, ee canshuurta dalka wax lagu soo baray, waxeey hagradeen aqoontoodii eey aheyd ineey jiilka soo kacaya wax baraan oo amaalkii dalku ku lahaa eey gudaan, waxeey doorbideen ineey danahooda u shaqeeystaan aqoontiina eey ka soo fogeeyaan dalkoodii, gadaal uma soo fiirin dugsiyadii iyo jamacadihii eey wax ku barteen iyo dadkii canshuurtooda wax lagu soo baray, mana sameeyn kaalmo ah dalalka eey la joogaan inteey wax u qoraan oo aqoontooda adeegsadaan in la caawiyo dalka iyo dadka soomaaliyeed. Kuwii aaneey suuro gal u noqon ineey dalka ka soo baxaan, aqoonteedii ma faa’iideeyn ee waxeey sameeysteen mashaariic u gaar ah oo eey lacag ku sameeyaan sida NGO yar ISKOOL qaali ah oo bulshada danyarta ah dhigan karin, iyo Qoraalo inta xun ee dalka eey ka soo qoraan iyagoo dan shaqsi ka leh ama Qado maalin ah ku raadinaya, halkaas waxaa ku burburay aqoonyahanadii soomaaliyeed jiilka inta dagaaladu socdeen soo kacayna ma helin taariikh loo reebay iyo aqoon soo jireen ah oo loo soo gudbiyay.
Bulsho kasta dadkeedu ma wada xumee waxaa ku jiray kuwa sida fiican u shaqeeynayay laakiin “Naadir Xugum Malahan” waa laga batay
Siyaasiyiintu waxeey kala ahaayeen shacab iyo askar, kuwo hubeeysan iyo kuwo rayad ah. Kursi jaceeyl, Kali talisnimo, Kibir, kanoow kan reeb, kan kalana dil,iyo ka fiirsi la’aan ayeey dalkii iyo dadkii ku sameeyeen. Waxeey sameeysteen boqol urur oo kala jaad-jaad ah iyo jabhado ujeedooyin guracan lahaa, waxeey ku caanbaxeen kala fogaansho iyo ineeysan sinaba isugu ogolaan inyar oo wanaag ah’ waxeey bixiyeen magacyo badan.
- Cadkaanoow ama ku cunay ama ku ciideeyay
- Cali gar leh ceeydiidna gar leh
- Rajo soo celin
- Looma dhama
- Waa codeeyay
- Afar iyo bar
- Mineey bir tahay waa ka beeyraa mineey bac tahay waa bajaa
- Kaba la eg ha gashto hadoow gashtana mahoow kula socon lahaa ayaa larabaa
- Argagixiso la dirir
Intaas markeey dhacday meesha eey ku fureen jiilka soo kacay waxeey u egtahay ineey gumeeysi galiyeen qarinamdiina naga lumiyeen.
Ganacstada Maalka heeysatay waxeey ku dhaqmeen, qaab cadawtinimo oo dalkii iyo dadkii eey maal-qabeenka ku ahaayeen hantidoodii dhaceen, waxeey beec geeyeen warshadihii dalka, birtii iyo dhamaan agabakii qaranka, waxeey xaalufiyeen deegaankii oo eey ka dhameeyeen, xoolihii dhadig, duurjoogtii, dhirtii, iyo geedihii qaaliga ahaa ee dalku lahaa, kuwaas oo la siistay shilimaad yar-yar.
Maalku waa mansab oo kale hadii Mansabkii lagu diriray Maslax ineey ku bixiyaan maalkooda marna ma yeelin ee waxeey sameeyeen caksigeed ineey munaafaqad ka shaqeeyaan, madaafiicda soo gadaan, mooryaantana qayil siiyaan, Meesha yaanan ka saarin kuwo muslin khaalis ah ayaa jiray oo maciishada noo hayay maatidana ka warqabay.
Oday dhaqameedka iyo Kaabo Qabiilada, howl eeysan aqoonin iyo masuuliyad eeysan hanan karin, oo meel cidla ah taal ayeey heleen, markaas meeshii fiicneyt ma eeynan marin ee waxeey sameeysteen miisaan u gaar ah, iyo Bacmadoow ii miis markaagana iga mago. Ineey madax sare noqdeena waa isu maleeyeen. Maamul ayaa ka maqan meesha marna maanka meey galin, Mooryaanta u garnaqa, Madasha shirarkana muujiya, masaariifta maalinkaasna qaata, ayeey Meherad u arkeen Musliyadii cusleyd iyo jiilka soo socda ineey u meel dhigan maskax saliim ah Marna kumeey fakarin.
Marag been ah lama rabee kuwo maalin iyo habeen umadda ineey u maciinaan oo kala maadshaan, masuuliyad isi saaray waa jireen.
Culumo Diinkii soomaaliyeed, oo dadku ka hibeeysan jireen,warkoodana la maqli jiray, Masiibadu markeey dhacday meel eey aadeen iyo maati eey badbaasheen, iyo xaq eey muujiyeen iyadoon meelna lagu heeyn, ayaa maalin sii hore Moowjadaha warbaahinta mar qura laga wada maqlay, iyagoo maciin doon ka ah maatidii eey ilaaween, iyagoo markaas leh, Diinkii Moowlaheenaa Maanta nalagu heeystaa, waa nala masaafurin, inta muslinka neceb ayaa midiyo noo wata ee shacabkoo na caawiya, waana marag ma doonto meeshuu shacabku geeyay, ee maxeey ku abaal marin.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee hubka sidatay, waxeey noqdeen arxan laawe yaal, dalkoodii iyo dadkoodiiba baabi’yay iyagana is baa’biyay, waxeey noqdeen xaabo dabku ku shitaan siyaasiyiinta iyo ganacsatada iyo qolo walboo dan gaar ah wadata. Masaariif raadis iyo Xamiyad qabiil ayaa ku qaaday ineey sidaas ku kacaan mana eeysan ku fakarin ineey noqdaan jiilkii bari dalkaan hugaamin lahaa
Runtii waxaa jiray in badan oo wax baratay si fiicana u fakarayay laakiin fursadu u masaabixi weeysan ineey wadciga jira wax ka badalaan
Haweenka Soomaaliyeed, waa kuwa intaan horay u soo maray waxa eey haleeyeen hagaajinaayoo, horseedna u ahaa inaan abaarta lagu harin, hadalna laga diid, hoowshii dhibkeedii, iyo heeyntii ilmaha hoobiye loogu daray,
Sahan guul leh iyo saadaal kheyr, niman noo sida, oo saldano iyo sad eey naga helaan, midna u soconin, oo dalkoodii ka saahiday sanadyo horoo tagay, cilmi saafi ahna soo haley iyo horumar sareeya, ee dalalkaas saramaray sidood doonaya ineey soomaaliya ka dhigaan , sahalna wax u fahansiin umadii sanadyo kala raagtay
Saadaasha Kheyrbaa Naflaha lagu sifeeyaaye ila Soco Siyaabaha Aduun Subaxba waa Heere
W/Q: C/Qaadir Guure Cismaan
E-Mail: akguure@hotmail.com
